|

AMISOM oo Kun Askari oo Cusub kala Baxaysa dalka Soomaaliya [Warbixin]

Kampala  ( Kalshaale ) Ilaa 1,000 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ayaa la filayaa in laga daad-gureeyo gudaha dalka Somalia marka la gaaro dabayaqadda bisha soo socota ee Feberaayo.

War Saxaafadeed laga soo saaray Shirkii 29-aad ee Guddiga Isku-xirka Hawlgalladda Milliteriga AMISOM ee The AMISOM Operations Coordination Committee (MOCC) ee bishan 28-dii lagu qabtay caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa lagu sheegay in la isla qaatay in Hawlgalkaasi laga dhimo 1,000 Askari oo dheeraad ah marka la gaaro bisha soo socota ee Feberaayo 28-da ee sannadkan 2020-ka.

Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ambassador Ismaaciil Jergi ayaa shir guddoomiyey Kulanaasi oo ay Dowladda Uganda marti-geliyey, waxaana Kulankaasi ka qeyb galay Taliyayaasha Milliteriga iyo kuwa Boliska ee dalalka qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo kala ah Jabuuti, Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, Sierra Leone iyo Ghana.

Waxaa kaloo Kulankaasi ka qeyb galay Wafuud ka kala socday DFS, QM, Midowga Europe, Turkiga, Raashiya, Maraykanka iyo Britain.

Shirkii 29-aad ee Guddiga Isku-xirka Hawlgalladda Milliteriga AMISOM  ee lagu qabtay Kampala waxaa lagu lafa-guray Qorshaha iyo Ansixinta Farsamooyinka Taatikada ee lagu taageerayo  Xilli-hawleedka  iyo War-murtiyeedka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee PSU ee tirsigiisu ahaa 848 iyo Mas’uuliyadda Awood-siinta ee Qaraarka tirsigiisu yahay 2472 ee Golaha Ammaanka ee QM soo saareen sannadkii 2019-kii.

Guddoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, Ambassador Ismaaciil Jergi oo ka hadlay Gebegabada Shirkaasi waxa uu sheegay in Ururka Midowga Afrika ka go’an tahay inay Somalia ka taageeraan sidii loogu guuleysan lahaa Qorshaha Xilliga Kal-guurka Somalia ee STP.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=21951

Posted by on Jan 31 2020. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “AMISOM oo Kun Askari oo Cusub kala Baxaysa dalka Soomaaliya [Warbixin]”

  1. NAGALA BAXA DHEH!!
    GORILE ILAA GORILE(DAD U EKAYAASHA)
    ALL MOVE.
    AMISOM,UNSOM,CIA,MI6 are ALSHABAB’s.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICES.
    ALQACIDA MADE IN U.S.A.100% proof.
    TERRORIST=ANTI MOSLIMS & ISLAMIC.sure.
    MOSSAD FINGERPRINTS ON PARIS ATTACKS.
    DID MOSSAD DO CHARLIE HEBDO,PARIS,proof.
    ISIS LEADER ABUBAKR ALBAGHDADI ex-Name (ELLIOTE SIMON)100% HE WAS MOSSAD AGENT,(JEWISH INTERNATIONAL TERRORIST ORGANIZETION JITO).isn’t Muslims.
    ISRAEL DID 9/11.PROOF.(4000 JEWISH is ABSENT 9/11.)WAY OGAAYEEN SUBAXAAS.
    TERRORIST ANTI MOSLIMS & ISLAMIC.sure.
    ——————–…
    Nuurka.
    Senior Political Analyst.
    Khabiir Ku Taqasusey Waxa Loogu Yeero ARGAGAXISADA.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented