|

MUUQAAL: Labada Goole oo Ansixiyey Minaasibadda Somalia ee 2020 iyo Xildhibaano hadlay

Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sanadka 2020, Waxaana Ogolaatay  188 Xildhibaan Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka aamuseen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka Maaliyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa horgeeyay sharcigan Golaha Sharci dajinta ee labada aqal.

Miisaaniyadda sanadka 2020 ayaa gaareysa $459.5 Milyan, waxaana kala bar lacagtaas ay tahay deeqaha dibadda ka imaanaya ee dowladaha iyo Hey’addaha deeq bixiyeyaasha ay ku kabayaan Miisaaniyadda dowladda Federaalka.

Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa maalintii ugu dambaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Waa markii ugu horeysay ee ay labada gole si wadajir u ansixiyeen miisaaniyada, iyadoo hore golaha Shacabka oo kaliya u ansixiyeen miisaaniyada.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=20493

Posted by on Dec 31 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

11 Comments for “MUUQAAL: Labada Goole oo Ansixiyey Minaasibadda Somalia ee 2020 iyo Xildhibaano hadlay”

  1. Miisaaniyadda 2020 waa Daqliga

    Dekedda Xamar
    Airport Xamar
    Suuqyada iyo Dhulka Xamar.

    Dalku waa federaal
    Canshuurta Xamar waa central

    * Xamar kudarso ama kadarso.

  2. Dabshid

    Aayaadkan carabi kuma qori karee xasuuso, oo dhuux minahooda, aday kula hadlayaane…

    Falaa Tudhic Kulla Xallaafi-mmahiin, Hammaazi-mmashaa`in binamiim, Mannaaci-llilkhayri muctadin Athiim….

    Allah Yahdiika…

  3. Walaa tudhic…

  4. Khaatumo haanoolaatoo

    Kalsame
    Iskada hakudaalin oday Dabshid shaqo kale mahaysto isku dirka umada somaliyeed
    Keliyo shaqo kadhigtay markalu kashekan doona umalayn maayo inuu weligi
    Quraan sodhogtay meel khayr lagaga hadlayona arkay waa mooryaan sidu caano
    Dabeer u cabayey qalbigu madobaaday waxa u muuqata xaarantu cunijiray o laso afjaray
    WBT

  5. Kalsame
    Waxaan la yaabay odaygaan dabshid xitaa miyuusan akhrin in miisaaniyadda kala bar tahay deeqaha caalamka somalia loogu deeqay.

  6. Nus bilyan ayey noqotay saadaasha dhaqaalaha ay dawladda helidoonto 2020, baahida adeeggana 7 sano ka hor waxaa lagu qiyaasay 1.5 Bilyan . Maantana kama yara 2 Bilyan + .Hadaba su’aashu waxay tahay : Ma waxaa lasiiwadidoonaa tuugsiga shisheeyaha mise adeegga ayaa lagaarsiindoonaa dhamaan
    dalka & DALJIRRADA Soomaaliyeed.

    Qiyaastii 1.000.000 beeraley ah ayaa kusoo barakacay magaalooyinka oo kunool nolol xun . Dadkaasi hadey helaan amni waxay qodanlahaayeen beerahooda , dhawr milyan oo canshuur ahna way bixinlahaayeen . Uguyaraan 200.000 qofna shaqo ayey siinlahaayeen .
    – Dhinaca ganasciga sidoo kale .
    – Xoolaha.
    – Kalluumeysiga.
    – Quwadaha iyo gqeyraadka kale , iyo,iyo.
    Kuwaasi waa tusaaleyaal yar, yar . Waxaana ubaahannahay cid fulinkarta adeegga dawliga oo gaarsiinkarta dhamaan dalka , ciddaasoo helidoonto taageerada shacabka.
    —-
    Asxaabta maxaad sameynlaheydeen haddii aad arkilaheydeen beer aad tabacdayoo uu dabqabsaday . Sidoo kale markay gubatay ooddii / deyrkii beerta dabkiina uusoogalay beerta , ayaa waxaa beertii KU soo yaacday LO , dabkii iyo lo’dii si wadajir ah ayeey u BALJAFEEN beertii = Baabah = EBER. Milkiilaha iska leh lodii daaqday beertaada waad istaqaanaan .
    Dabka isaga ka hadal malaha ee kawaran adiga iyo ninkii lahaa lo’dii CARABKA ku kaalmeysay dabka !

  7. CINWAANKAA KAA QALDAN:
    (MINAASIBADDA maahee waa MIISAANIYADDA)!
    THANK YOU.

  8. An waxaan garanwaayay waxa la xisaabiyo.

    Dalka marka dekadihiisa iyo airaporadiisa dowlad dhexe maamusho ayaa wax la xisaabiyaa.

    Dekadii bosaaso bosaaso qabiilbeey u xiran tahay. Midii kismaayo qabiilbeey u xiran tahay. Waxa laga hadlaa mexeey yihiin.

  9. mingistume soo Dag

    Maamulka Soomaliland Ayaa Dowlada Faderalka Iyo Beesha Calamka U Dirtay Codsi yaab leh,Kaasi oo Noqonaya In Shirarka Dowlada Faderalka iyo Meesha Caalamka Laga Qeyb galiyo. goodnews?..

  10. ARINKAAN WAABA LAYGAGA DARANYAHEE WAXAAN RABAA INAAN DHAHO:
    WE LOVE TURKI PEOPLE & MUJAAHID ORDIGAN.
    RAGAP DAYIB ORDUGAN MUJAAHIDKA QARNIGA!!!!!.NOOLOW.
    WE NEVER FOR GET MY PROTHERS TURKI!!!
    MA ILAAWI DOONO GURMADKA WALAALAHA TURKI & ODUGAN EE 2011,..14/10/17 & 29/12/19.WE NEVER FOR GET!!!!.
    TURKI WAA WALAALKA & SAXIIBKA KALIYA EE SOMALI LEEDAHAY WE KNOWS!!.
    JIZAAKA LLAAH KHEYR!!! AMIN.

  11. mingistume soo Dag

    Respect” Our Country” & Save the motherland…..
    ——————————————-
    1)QASHINKA IYO SUNTA HALISTAA EE LOO DHOOFIYO DUNIDA SADDEXAAD. SOMALIA..

    2)cadawga Shabaab & Argagixisada

    3)intii dhimatay Naxariis Rabaan Ugu
    Baryaynaaye.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented