|

Jigjiga: Soomaalida oo Horay ka ansixiyey in lagu Biiro Xisbiga Cusub ee Itoobiya Xili Madax kala duwan Diiday [Daawo]

Jigjiga  ( Kalshaale ) Magaalada Jigjiga Waxaa lagu Ansixiyey Ku Biirisita Xisbiga Cusub ee Raysal wasaaraha Itoobiya uu Hormuudka u yahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaana Arintan ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Deegaanka Axmed Shide iyo Madaxwayne Mustafe Cagjar.

Dhinaca kale Wasiirka Difaaca ee Ethiopia oo aad ugu dhowaa Ra’isulwasaare Abiy Ahmed, ayaa dhaleeceeyey qorshaha loogu bedelayo Isbahaysigii EPRDF ee Itoobiya maamulayay xisbi qudha, taasi oo muujineysa kala qeybsanaan ka hor doorashada qorsheysan in la qabto sanadka danbe ee 2020-ka.

“Waxaan qabay fikir taas ka duwan markii ay bilowdeen wadahallada mideynta EPRDF, xittaa haddii ay taasi dhacayso ma ahan in si degdeg ah loo sameeyo.” Ayuu yidhi Lemma.

Aby oo haysta abaalmarinta nabadda ee Nobel ayaa qorshihiisa ah in isbahaysiga EPRDF laga guuro oo loo guuro xisbi kali ah waxaa ka soo horjeestay Xisbiga Xoreynta Tegrayan ee TPLF, kaasi oo ahaa xisbi aad u awood badan waqtigii uu talinayay hogaamiyihii geeriyooday Meles Zenawi.

Balse Soomaalida ayaa u Muuqata Mid Horay ka Aqbashay Go’aanka Xisbiga Cusub loogu Guurayo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=18876

Posted by on Nov 30 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Jigjiga: Soomaalida oo Horay ka ansixiyey in lagu Biiro Xisbiga Cusub ee Itoobiya Xili Madax kala duwan Diiday [Daawo]”

  1. Mugdi badan ayaa ka muuqda . Waa wax fiican in laga guura xisbi u xaglinaya qowmiyado gaar ah , waxaase iyana yaab leh in si kafiirsasho l’aan ah loo cayaaro khamaar all in ah oon laheyn hadaf cayiman . Wadan 100 milyan ah ayaa la doonayaa in loogu shanleeyo hal SHANLO . Waxaa ila quman in la ogolaado nidaamka xisbiyada badan si loo dhiso dawlad lala xisaabtamikara . Calaashaan isbaheysiga qabta talada dalka waa inuusan ka bixikarin xayndaabka DALTUUR aka Dastuurka . Taasi waxay suurtogelineysaa iney qowmiyadkastaa ilaashato marka hore danaheeda gaarka ah , hadey ku qanciweyda sida waxloowadana ay ku dhawaaqdo guunigoosad. Sidoo kale qowmiyadda Soomaalida waa iney noqotaa joker’ka siyaasadda Abasinia , iyagoo beegsanaya kursiga ugu sareeyo Ethiopia . Waayo qowmiyadaha kala ah (1) Oromo , (2) Amhara iyo (3) Tigre midba , midka kale ayuu iska ilaalinayaa . Halkaasi waxaa Soomaalida uga banaan fursad ay ku hantaan gursiga sare ee dalka . Isla arrinkaas waxuu si deg-deg ah u kashifayaa siraha ( SIRTA ) qarsoon ee lala damacsanyahay qawmiyadda Soomaalida . Ethiopia BOOTIN baa kumaqan ee waa in laga dhaliyaa , hadeydoontaba ha dhasho SAGAAL CUNUG’E. Marwalba iney dhasho DAAXUUR u eg KING KONG ma aha wax Loo dulqaadankara !

  2. Cabdiraxan

    Asa bro.

    Si fiican baad u dhigtay laakiin daanyeerkan Shide iyo dabayaal cagjar ayaa marin habaabinaya himilada Somalida DDS.

    Bal muxuu ku yeelay cagjar iyo nijaasta la joogta ee xisbiga guulwadaha ah inay ku biiraan xisbiga Abiye.

    Waxay ahayd cagjar in Shide meesha ka tuuro, deetana sida Jowhar iwm diido in la beddelo Federal system ay ku andacootay Xabashida. Ma yeelin ee wakaa ku sii khamaaraya danaha DDS.

    Cagjar waa in la caydhiyaa oo mudaaharaad is xidhaa from Daawo to Dirir dhaba lagu diidan yahay Xisbiga noqday boorso jeebka ugu jirta Abiye.

    Laakiin dad aan ogahaya oo is gurahaya wallee ma ciyaari karaan gamekaasi waaba cagjar oo u xiisaysan keligii talisnimada Abiye.

    DDS waxay u baahan tahay dhiig cusub oo ka hortaga riyada Abiye iyo dabadhoonka psycho Cagjar.

    Viva Soomaaliwayn

    Down all Somali traitors

  3. Wcs Suldaan . Waa runtaa . Anigoo arkaya iney Shide & Cagjar ku cunayaan CARDUNKA / Yacyacoodka ayaan ka aamusay . Waana mahad alle inuu Suldaanka ku shida TOOSHKA . Shide isagu waa dambiile kasoo haray rajiimkii Iley . Waxaana layaab ah inuu noqdo wasiir federal ah. Waayo Soomaalida kamaba tirsana xisbiga WAABERI aka halka xisbi ee iska maamusha dalka . Waa un DAABADDA raacda ariga , taasoon ka tirsaneyn dadka iyo ariga midna , lkn waxay ka amarqaadataa ARILAHA , arigana kama celisa dugaagga ee kaliya way XAW-XAWLEYSAA . Cagjar isagana waxuu u egyahay curadkii arilaha oo dhibsaday WAX-WAXDA daabaddan ku meereysaneysa ariga . Waa in la helaa hoggaan aan laga soodirin Adis .Taasina waxaa lagugaarikaraa shacabkoo soo doorta hoggaankooda , hoggaankaasoo ku gorgortamaya codka shacabkiisa isagoo sii dhexmaraya Daltuurka . Lkn sidan waa un Mingistu Hailemarriam cusub oon KELBAD kaagaqabaneynin XINIINYAHA , lkn KUURAACINAYA !

    _____ Suldaan waxaan maqlaa , arkaa iney ONLF isfahmeen RAJIINKA Adis , lkn dhinaca deegaanka maxaa horumar ah ooy sameeyeen . Doorasho deegaan ma la diyaariyey ? Si ay meesha uga baxaan Eeyda Adis !

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented