|

Jabuuti oo ku guulaysatay Gudoonka Baarlamaanka Midoobay ee AFRIKA

Muqdisho ( Kalshaale )  Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay xilka guddoomiyaha baarlamaanka midoobay ee Qaaradda Africa.

Maxamed Cali Xumad guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa xilkaasi loo doortay, wuxuuna bedali doonaa guddoomiyaha baarlamaanka dalka Burkina Faso, Alassane Bala Sakandé, kaas oo muddo hayey jagadaasi.

Guddoomiye Xumad oo ka hadlay guushiisa ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay dhammaan dalalka ku yaalla Geeska Africa.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in ay wadamada Qaaradda Africa u baahanyihiin in ay dhaqaale ahaan is-dhexgalaan, isagoo ku baaqay in is-dhexgalku noqdo mid badax banaan, looguna daneynayo nolosha guud ahaan dadka ku dhaqan Qaaradda Africa.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu ka shaqeyn doono Dimuqraadiyadda iyo sidii hormar looga sameyn lahaa gobolka.

Jabuuti ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dadaallo xoogan ka waday gobolka, si ay uga mid noqoto dalalka ugu horreeya xaga hoggaanminta, iyadoona sidoo kale sanadka 2020-ka Kenya kula tartami doonto kursiga golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=18844

Posted by on Nov 30 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented