|

Xoghayaha HIMILO QARAN oo Kasoo Horjeestay Warkii kasoo baxay Madasha Sheikh Shariif uu Hogaamiyo [Akhri]

Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa beeniyay in magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.

Xildhibaanka ayaa beeniyey  wararka sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah ay gaareen Dhuusamareeb, isagoo nasiib darro ku tilmaamay warka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo qeyb ka ah Xisbiga Himilo Qaran oo uu ka mid yahay.

“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn”ayuu yidhi Xildhibaan Cadbixakiin Maalin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ay horay u joogeen Dhuusamareeb muddo aan ka yareyn saddex bilood, isagoo tilmaamay in Ciidamadaas ka wada tirsan yihiin AMISOM.

“Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah”.

 “Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira,Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka durugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta.

Xildhibaan Cabdixakiin Maalin ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Dhuusamareeb oo ah deegaanka uu ka soo jeedo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=18834

Posted by on Nov 30 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Xoghayaha HIMILO QARAN oo Kasoo Horjeestay Warkii kasoo baxay Madasha Sheikh Shariif uu Hogaamiyo [Akhri]”

  1. War nimankaan DAL iyo dad toona ka bixi mayaan EE soomaliyeey Toosa OO iska dhiciya walaahay kuwan ilma SHIIQ shaydaan somaliya KUWA kala Gooyey WAA xasan SHIIQ iyo shiikh shaydaan SHARIIF iyo SHARIIF Sakiin kuwaan soomaali marabaan dawlad ka hanaqaado walaahay WAA go doomiyeen Subxaan Alaah

  2. Ciyaalkii maxkamadaha lagu soo moodey
    Gamekii waa FAHMEENE YAA LOO BAAQAA

  3. Cidanka ethiopia amison. Miyaa lawadi galmudug hadad wax samayn way dee xasan sheekh shiiq shariif fiqi cabdI shakuur. Mahad. Cabdi karin guled. Ehlu suna waxba samayn waaye. 27 sano. Barxleey. Cadado dhuuusamareeb. Hobyo. Xaaf. Cabdi qabdiiyd midwalba xaafada erl Uga tagaa. Anaa wax aqaan. Ado waa. Kkkkkkkkkkkk.ethiopia miyaa lawadi. Kkkk

  4. Farmaajo sow ki dadka ku dhihi jirey Ethiopia waan necebahey hadana wiilkoodi noqdey Daarod iyo Ethiopia la kala reebi waa dalkaan somaaliya e xorta ah wixi Ethiopianka kuso hogaaminayey Daarood umbeey ahaayen .. dadki ka saarayana Hawiye umbeey ahaayen ilaa 1964 dagaalki xabashida lagu jebiyey e Gen. Salaad Gabeeyre hogaaminayey e Maxamed Xalane Calanka u dhintey

  5. Halki loogu magac darey geesigi Maxamed Xalane wataa adoonta iyo gumeeystaha cadaanku deganyihin waxaana so dejiyey Cabdulaahi yuusuf caku Daarood iyo gumeeysi jaceeyl

  6. Gabayre. Dhiil buu galay. Wuu kabaxay. Ah baa la galay. Isaga kacasnsnaa. Wards majeerteen ISAQ. Maxad kiina marwalba shirka u keentaan. Ogada ruushka talyaani. Igiriika. Qofkii dhIi gala. Oo kabaxa cawad a loo jaraa .arka kuwa hwiye ee sanad walba Gabayre kuhayaan. Iskadaya wa idiin doqonimo. Idinkaa ba. Madax aan waxba galbsan laayay. Waxay kutisi ninkii dhil gala kabaxa ee la kharijiyo. Hawiye maha waa wax isagaa ki kooban. Siyasin ta hawiyaha shaqa waxa kadhigteen Gabayre. .dheEl caynaashe. Ogada waa jireen qabilada ay kasoo jeeda waxay yiraahdeen waxay a hayeen rag dhiil kabaxay llkkklkkkkkkk

  7. Hiiraan. Dorood ka ugumadsy. Waxay ogyihiin inay dhalasho ahaan. Darood kasoojeda an. Ogada. Besha xawaadle. Hawiyaha la dhaqan maha. Xataa muuqalka suma eka. Tasa keentay. Sheekh umal. .garoowe bosaso. Lascaano. Mudug. Galdogob. Jigjiga. Loga soo gurmdsy. Ogada. Waxay walayihiin. Leelkase tarikh fog. Ogaden jifooyin waxa jira layiraahdo bah xawaadle. Ogada. Dhiga ma qarsoomo. Xasn sheekh. Wuxuu casimda igu diiday wuxuu ogaa inay asal ahaan darood yihiin. Hawiyaha oo Aan isim lahayn ugaas lahasn jireen. Somaliya waxajiray ariga hore magaca ugaas. Caankaahaa. Mareexaan. Ogaden. 1000 sano kahor.

  8. Kkkkkkkkkkkk geyi aanan laheeyn iyo gardaradaan kahelaa markasaan kugamaa hhhhhh adeer Ethiopia nimanka hada dhaliilaya waa kuwii u kala dhuumanjirey ee mashaleey muwadiniin ahaayeen mise maanta?

Leave a Reply to Wiil hiraab

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented