|

Dahabshiil oo ka Farxisay Dadka Dhibku kasoo gaadhay Fatahaada Webigga

Hargeisa ( Kalshaale ) Shirkadda Xawaalada ee Dahabshiil ayaa shaacisay in $150,000 oo dollar ay ku caawinayso dadka Soomaaliyeed ay saameeyeen fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba.

Xukuumadda Soomaaliya Madaxda ugu Saraysa ayaa Mushahaarkooda ugu deeqay dadka dhibku soo gaadhay.

Sidoo kale Dawladda ayaa Dhaqaalle gaar ah ugu deeqday dadka dhibku kasoo gaadhay Fatahaada Webiyadda.

Ganacsatada iyo Shirkadaha kala duwan ee dalka ayaa dhankooda Qayb ka ah Gurmadka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa muujiyey Isku duubni, waxaana meelaha ugu horeeyay ee looga istaagay kamid ah deegaanada Puntaland.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=17153

Posted by on Oct 31 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Dahabshiil oo ka Farxisay Dadka Dhibku kasoo gaadhay Fatahaada Webigga”

  1. Kambinayada Soomaalida garan maayaan xitaa waxa gaalada ugu yeedhaan Cooperate Social Responsibility (CSR), zakadana si loogu tayeeyo ummadda uma bixiyaan. Waxayna u muuqata halagaa sheego ama canshuur dhaaf ku raadsada halaha yar ee ku dhimmada ah ee ay soo tuuraan.

    Horumuud

    Dahab Shiil

    Bankiyada

    iwm

    Waa inay fahmaan hadafka loo jideeyay zakada iyo yoolkeeda bixinta dhabta ee ah ka saaridda ama dhimidda faqriga.

    Weli ma maqal school bay dhiseen ama cusbital ama career center oo dadka taagta daran ama disadvatageka ah iwm ay u qabteen.

    Marka hay’adahan ama wax ha qabteen ama nabidda ha ka daayeen dadka..

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. Somalidu waa dad nool hadana si u xanuunsan ineey isdilaan waxba lama aha ineey isboobaan waa u caado markii qeyb dhib rabaaniya kudhacdo weey isu gurmanayaan.

  3. ASC.
    CAKU DASTUURKAN leh; “M/weyne M. C. Waare, M/weyne Axmed Xaaf, M/weyne Farmaajo, M/weyne Laftagareen. °WAR anigu waxaan amminsanahay haddii Axmed Madoobe loogu yeeri lahaa Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Inuusan maanta isku taageen M/weynihi Ummadda Somali. °§*Nidaam kasta oo ka dambeeya Dastuurki 1961di WAA xaaraan. °Shirkasta oo lagu qabto Waddanka Dibadiisa WAA xaaraan. °In Ogaadeenya loogu yeero Magac kale WAA xaaraan. °Galmudug WAX layiraah WAA xaaraan. °Hirshabeelle WAA xaaraan. °§*Gobollada Waqooyi, Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sanaag, Sool? Waxaan ahayn WAA xaaraan. °§*ALLAAH xaaraanta Ummada kala geyni badana!!!. °Igama dhammaan….. WBT

  4. Ahmed somali dastuurka 1961 waa xaaraan

  5. Well done Dahabshiil, Hormuudna waan sugeynaa.

    – Waliba waa inaad Kheyre u sheegtaan Canshuurtii aad siin jirteen Maamulka Banaadir State inaad 10% Hiiraan siiseen.

    – Xilmadhibe Hoteel jiifo iyo Howlgab Qabowga Qurbaha ka soo cararay, ayaa canshuurtii 4.5 ku qaatey.

    * Dheef walaal waad dhadhamisaa DHANKAAd UGA DHACDAABA.

  6. ASC dhamaantiin.
    Suldaan Zubeer, waa runtaa waxa companiyada Somaliya iska leh, waa dad aanan damiir laheeyn. Sideey ku ogaan waxaan aad ka hadleeysa ee “cooperate social responsibility”? Waaba daaneyero lacagta eey heeystaan eeysan nadiif wada aheeyn, oo xaaraan ka buuxda, saa sadaqo kama bixiyaan, oo dadka macaamiishooda ah dib lacag iyo adeeg uguma celiyaan. Zakada xataa Ilaaheey ayaa iga og’e, sdia eey aheeyd uma bixiyaan, marmarna qasab iyo baad ayeey wax zako loogu yeero kusiiyaan argagixisada, taas oo ka dhigeeysa in eey qeeyb kayahiin masiibada dadka Somaliyeed heeysata. Ethics sidoo kale majirto. Wax laxisaabtamo amaba shacabka macaamiishooda ah, amaba dowladna majirto ganacsatadaan Somalida.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  7. Bro Cadaaddo

    Asa

    Waa sidaa weeye………….

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented