|

Ilhaan Cumar oo Balan Cajiib ah u Qaaday Xaalada Adag ee Ka taagan Somalia

Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha Wakiillada Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso gurmadka fatahaadaha Soomaaliya.

Ilhaan Cumar ayaa xustay in ay aad uga xuntahay waxa ka socda Soomaaliya, Waxayna sheegtay in isbeddelka Cimillada iyo Fatahaadaha ay ugu weynyihiin waxa sababaya dhibaatada ka socota Soomaaliya.

Ilhaan ayaa sidoo kale ku baaqday in qof kasta kaalintiisa ka qaato arrintan si loogu gurmado dadka ay saameeyeen Fatahaadaha.

Waxaa ay xustay in ay heshay warbixin ku saabsan 180,000 oo qof oo ku barakacay Fataahadaha ku dhuftay Gobolka Hiiraan.

Dalka waxaa guud ahaan ka socda Gurmadka ay sameynayaaan Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda laguna doonayo in lagu garab istaago Soomaalida kale ee ay saameeyeen Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=17127

Posted by on Oct 31 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Ilhaan Cumar oo Balan Cajiib ah u Qaaday Xaalada Adag ee Ka taagan Somalia”

  1. Looma bahana somalinimda diinta. Dhaqanka. Wadnay ada. Muuqlka. Akhlaqada.muslimnimda. maha. In lagu gabdo.istunimo maha in xijaabka. Asturadda. Gabdha muslimiinta caalamka la tuso in sidii ladoono la isugu qawiya iyadoo dhaldhalaalka aduunku oyo. Magac. Oyo jago oyo Congress. Wasiir xildhiban lagu radiyo. Xijaab dhigid reer buburin. Allaah ayaa og xaqiiqda. Subxaanalaah

  2. Waar haddii ay wax qabanayso dee waa Soomaali, Soomaalina Somali oo dhan baa leh.

    Waddani Boy

    Adeer iska sax sida farta Soomaaliga loo qoro adiga oo tixgelin haya joogsiga, hakadka iwm.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply to Wadaniboy

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented