|

MUUQAAL: Mashruuc Koronto Looga Dhalinayo Cadceeda oo Hargeisa Laga Hirgeliyey, Biixi iyo Madax ka hadlay

Hargeusa  ( Kalshaale ) Magaaladda Hargaysa waxaa  lagu daahfuray mashruuc ballaaran oo ay leedahay shirkadda SOMPOWER, kaas oo koronto lagaga dhalinayo tamarta cadceedda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mashruucan oo laga hirgeliyey deegaanka Bacaado ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa, ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka Axsaabta qaranka, saamileyda shirkadda SOMPOWER, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa furitaankiisa laga jeediyey hadallo ku saabsan faa’iidada uu mashruucani guud ahaanba u leeyahay bulshada, shaqo abuurka uu keenay, daryeelka dhinaca deegaanka iyo baahida loo qabo in bulshada caasimadda ku dhaqani ka korto ku tiirsanaantii dhinaca korontada laga dhaliyo naaftada.

Madaxa shirkadda SOMPOWER, Mudane Cabdilaahi Cawad Cali oo ugu horrayn munaasibadda furitaanka mashruucan ka hadlay waxaa uu sheegay in Mashruucan uu socday muddo laba sanno iyo bar socday, kaasi oo laga dhalinayo koronto awooddeedu gaadhsiisan tahay 20 Megawatt (labaatan meegawaat), islamarkaana daboolaya 80% (boqolkiiba siddeetan) baahida koronto ee caasimadda Hargeysa taalla, waxana ku baxday ayuu yiri lacag dhan $20,000,000 (Labaatan milyan) oo Dollar.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO MUNAASIBADA

Madaxweynaha Somaliland ayaa shirkadda SOMPOWER ku bogaadiyey dedaalka ay samaysay iyo dhaqaalaha badan ee ay mashruucan hirgelintiisa u hurtay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=17119

Posted by on Oct 31 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “MUUQAAL: Mashruuc Koronto Looga Dhalinayo Cadceeda oo Hargeisa Laga Hirgeliyey, Biixi iyo Madax ka hadlay”

  1. Maasha Allah waa wax lagu farxo.
    Ma qoraxdii ilaahaybaa Lacag joogta.. Waa ka raysan oyadi, deasel qaaliga ahayd.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented