|

Muuqaal: Maxaa kasoo baxay Kulankii Madaxwaynaha Puntland iyo Safiirka Maraykanka ee Somalia dhexmaray?

Boosaaso ( Kalshaale ) Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Puntland la qaatay safiirka maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Gallan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyey kulanka.

“kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=1671

Posted by on Mar 31 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Muuqaal: Maxaa kasoo baxay Kulankii Madaxwaynaha Puntland iyo Safiirka Maraykanka ee Somalia dhexmaray?”

  1. Maraykanka waa ogyahay in Puntland gobolka keliya oo Somalinimo, Midnimo oo ajnabi ciidan u ahayn oo joogin dhulkooda waa Puntland.
    Suaashu waxay tahay USA Somalia noll iyo manad va u ramsa.
    Banaadir, Kismayo iyo Baydhabo waa bitchs of Ugandese, Kikuyo iyo Amxaaro, oo fiidkii seexiya maalintiina caruurtooda iska waardiyeeyaan in qarxin.
    Hargeysa waxay rabtaa in Somalia maqas u qaadato…
    Garowe in shisheeye askar u noqdo iyo Somalia maqas loo qaato labadaba waa diideen, rag rag dhalay…. Taariiqda ayaa xusin, wixii dhacay Somali recent trouble history.

  2. Mr Deni waa inuu dhameystiro Dhamaan Mashariicdii laga xayirey Gobolada Koofur Bari 4tii sano ee la soo dhaafey.

    – Deni dadkeena waaye daryeelna waa diyaar

  3. Sool waa Inuu xoreeyaa hadii kale 4 sano oo booqasho iyo soo dhawayn. Hasoo to. Sidii madaxdiikahoraysay. Cidanka. Hargaysa iyo gabilay kayimid. Iyo kuwa horleh wiilal yaryar loo soo wado. Tarikhumda. Punt land ogolatay. Karsh garoowe sii fadhiyo. Mana tagi karo buuhoodle. Badhan lasano tularq. Taleex sax dher. Bocane lasqoray. Hafadhodo faraway. Marba socdaa la ka waa gaalkcyo. Inta kale jegaanta udiiday. Niyad jab shacabka gudaha dibada cidamada. Dhamaan rer puntland musharaxiintIi tartanka oo lacarary puntland xorayntii balan qadkii dhamaan been bay ahayd 4 sano kadib. Buu hadalkaas soo noqon waa hadaan aqaan siyaada puntland ee aan lakaydin doorashada.

  4. ASC.
    DEEQ NIN KU SIIYA DALKAA KUMA DHISAAYE °WAA KU DAGAAYEE DANAS KUGU WATA.
    *Incastoy Dawladda Somali Maanta dhihikarin; “War maraykan naga joog” . HADDANA waa in si hoose loogu sheego in faragelinta badan ay keenikarto kala fogaasho. *Hadduu M/weyne Farmaajo haysto 2BA dhalasho (2ba dhalasho ogolin ilaa xeerdambe) WAA MAXAY waxa muuqda oo uu Maraykan nagu taray?. *Waa maxay sababta Danjiraha Maraykanku uu u aadi Gobollada Somali isagoo XAMAR ka helikara waxALLA wuxuu u baahanyahay?. *Annaga waxaa naga dhaadhac-san inuu safiirka Maraykanka ee ka soo Jeeda Aasia (indha yar) uu naga xigo kan ka soo jeeda Igriska TAASO qalad ah ama ay haweenay safiirada ay ka qalbi jilcantahay mid LAB-AH . *Safiir kasta cidduu doono ha ahaade wuxuu aadi-kara Gobollada kale ee Somalia markuu Furaa ama Xiraa mashruuc ay Dawladdiisu Maalgelisay ama lagu casumo dhacdo muhima (sida ceel shidaal o la qodi) INTA kale waa inuu joogo Caasimadda ee looma baahna inuu ku miilmo xiisadaha ka dhexjira Qabiilada Somali. *Annaga mattaankeenu Turki walaankeenna waa Qatar. °§*Daljire. WBT

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841