|

DAAWO: Shir Looga hadlayo Arimo Xasaasi ah iyo Sababta Madaxwayne Farmaajo uga baaqday

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday ka qeybgalka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka soconaya magaalada Tunis ee dalka Tunisia

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirka waxaa madaxweynaha Soomaliya ku Matali doona Wasiirka Wasaarradda Arrimaha dibadda Axmed Cawad Ciise, waxaana lagu wadaa in shirka looga hadlo Arrimaha Falastiin, Yemen, Liibiya iyo Qaddiyadda Syria ee Buuraleyda Golan ee ay Israel xoogga ku heysato iyo qodobo kale.

Waxaa ka mid ah madaxda shirka ka qeybgaleysa madaxweynaha dalka Tuunis ee martida loo yahay, Amiirka dalka Qatar iyo Boqorka dalka Sucuudi Carabiya, waxaana isaga maqan madaxda dalalka Sudan, Soomaaliya, Masar iyo Imaaraatka Carabta oo Wakiil u soo dirsatay.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in uu shirkan ku matalo dowladda Soomaaliya ayaan ka qeybgalin shirka sababo la xiriira xaalada  ka taagan gudaha dalka, gaar ahaan dhinaca Amaanka oo madaxda dowladdu ku howlan yihiin sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.

Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa carabka ku adkeeyay in Goolan ay tahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato sida uu qabo Qaanuunka Caalamiga, baaq aqoonsi oo ka soo yeerana dowlad kastana aanu waxba ka bedeleyn xaaladda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=1666

Posted by on Mar 31 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

11 Comments for “DAAWO: Shir Looga hadlayo Arimo Xasaasi ah iyo Sababta Madaxwayne Farmaajo uga baaqday”

  1. Waar Hooya Madaxwaynaha la shaqeeya.
    Waar hooy nin ka fiican helimaysaan.
    Waar hooy joojiya Mucaaridnimada.

    Waar hooy Mucaarinimo iyo hub la qaato waxa laga dhaxlay waad ogtihiin.

    Waaar dhinaca fiican wax ka eega.

    Waar hooy ogaada inay Somaliya ku jirto gacanta fowdada ee nidaam la’aanta.
    Waar hooy
    waar hooy
    Waar hooy

    Cali khaliif ayaan ka soo xigtay.

    Dalmida

  2. Garqaad

    Waan ky salaamay sxb

    Maanad Ognayn in Sheekhaastu isbadaleen oo Aaakhiro Mooog la yidhaa Ciidankooda.

    Waxa la arkay Habar Gidir oo Sheekh-Khaash baryaysa oo le “,Waar Ilaahay ka yaaba oo dhiiga aad faraha kulla jirtaan ka waantooba.”

    Hiraabkii kale ayaa yaabay.

    Waxaan Is-idhi,malaha ciidan kan wax qarxiya waxaa u sahla,Aaakhiro Moog.

    Hadaan qaldamay waa camal Shaydaane iga raali ahaada.

    Friendly Fire ka soo qaaada.

    Laakin arimuhu ma sahlana.
    Inaan wax saxo unbaan rabaye umaan jeedin in aan cid dhibo.

    Dalmida

  3. ASC.
    *****INSHÀ-ALLAAH GUUSHA ANNAGA LEH*****.
    Mr BaHaL, WADDANI, taadu ma aha dhib ee WAA nasteexo. *Mida kale waxaa igu jira dhiig Sheekhaal marka dhankaa anaa kaga filan. *Aaqiro moog Magaala kentay ee waagi reer miyiga la ahaa MAWLACA waa lagu soo hirajiray. *Ha welwelin saaxib MITID FARA YAR MIRIHII BATAA KAMA MACAASHAANE. WBT

  4. Mr bahal waan ku salaamay mudane qamuus.

    Mudane sidaan isku raacnay aniga iyo imaam dabshid. waxaan ognahay in uu kugu fogyahay damaq somalinimo. Waxaan ognahay in aad ka soo jeedo. Dienst ibnu somaal. Wax walbood nagu dhahdo in ay sixitaan kaa yihiin ayaa naga dhaadhacsan. How bixin. Weliba free gacanta waad iga qaban kartaa hadaan qaldanahay.

    Kkkķk. Aakhiro moog. Aka martiile hiraab. Xagooda laygama maro waa dadka Somalida baray diinta islaamka.

    Annagu waxaan dhahnaa. Hadaad aragto sheekhaal dagaal u bax baxsaneyso. Oo xawaadle celinaayo waxaa soo dhaw aaqiro sabaankii.

    Dal mida dad mida.

  5. Mr BaHal

    Kkkkkk

    Aaqiro Moog waxey ku qorteen hal baabuur mar Hawiye uu moodey in General Ceydiid siin doono Sadkii Mudullood.

    Mudulood only ma bad baadin Daaroodka kaliya ee wuxuu kaloo bad baadiyey Hawiyaha kale oo General Geydiid maquuniyey.

    * Shiikhaal Qandi dheerey wadan jirtee Qaran (Hiraabka kale) ku tuugtaaye, sanadkaana waxey ku darsameen qoomka la soo diraye.

  6. Madaxweyne Farmaajo asagaan dooraney, kama yeelayno inuu Rasalwasaare Kheyre dhulka Qaribo ee ama dad iska dhig ama Quraan saar ayaad rabtaa.

    – 4 sano waad dhameysan laakiin Ul dambe ayaan Badda lagu SAHMIN DOONIN.

  7. Madaxwne farmaajo dalka wuxuu uga tegi donaa meeshii loogu dhiibay meel kasii liidato. Waaaba hadii laga helo in uu iska tago haduu waqtiga dalxiiskiisa dhameysto.

    Hadaad aragto nin dadkii uu madaxda u ahaa kala socaayo ee qeyb iska ilaalinaayo qeybna soo dhaweysaneyso waa laangaab cuqdadeysan. Meelna wax geyn maayo.

    Maanta xamar waxaa ugu qaalisan dhagaxda jidka lagu xiro.

    Maanta ayey ugu daran tahay oo xaajigii ayey faraha la galeen ayagoo weliba ka qaldan.

    NIN KIISKU TAABTO TIN LIBAAX TALA XUMOOW UGA TAGAA.

  8. Khaatumo haanoolaatoo

    Farmaajo waa muwaadan somaaliyeed o si sharciya lagu doortay xaqbu u leyahay

    Inuu dhamaysto wakhtigiisa hadhowna u is sharaxo hadii shacabku doortaan wuu joogaya

    Dowlada waa lawada leyahay e halawada ilaashado is eedayn iyo is xagxagasho

    Waba ma tarayso e WBT

  9. In caasimadda la xasiliyo oo cadawga ku dhex-dhuumaalaysanaya ee shacabka qaraxa ku dhammeeyay la soo qabqabto ninka diiddan waa nin ay ugu badiso qalalaasahu, oo haddii dalku xasilo og in inuu waayayo tuubbo/Naas uu jaqayo ama wax uu boobay ka baqaya in lagu maxkamadeeyo, kuwa qaylyayana waa un kuwaa. Waxaase go`aan lagu gaaray inaan loo joojin haba muraara dillaacaane, waayo dalkani caasumadda oonan xasilin xasili mayo.

    Khayrre iyo Farmaajo waxaa lagu haystaa waa aannu dhiigga ummadda ku taajirnee haynaga qasina iyo dawlad la`aantay noogu badisaaye qaranniamadan aad la wareegaysaan nala dhaafa, afar nin oo maafiya ahna dalkani uma afduubnaan karo abadiyan.

    Xamar waxaa u soo baxay wiil hoog la yiraahdo Injinneer YARIISOOW oo bandaw ku soo rogay… Ugus iyo dallaal oo dhan hubkaa la dhigayaa. Hawshu ha socoto.

  10. ASC.
    Kalsame wuxuu yiri; “In caasimadda la xasiliyo oo cadawga ku dhex-dhuumaalaysanaya ee shacabka qaraxa ku dhammeeyay la soo qabqabto ninka diiddan waa nin ay ugu badiso qalalaasahu, oo haddii dalku xasilo og in inuu waayayo tuubbo/Naas uu jaqayo ama wax uu boobay ka baqaya in lagu maxkamadeeyo, kuwa qaylyayana waa un kuwaa. Waxaase go`aan lagu gaaray inaan loo joojin haba muraara dillaacaane, waayo dalkani caasumadda oonan xasilin xasili mayo.
    Khayrre iyo Farmaajo waxaa lagu haystaa waa aannu dhiigga ummadda ku taajirnee haynaga qasina iyo dawlad la`aantay noogu badisaaye qaranniamadan aad la wareegaysaan nala dhaafa, afar nin oo maafiya ahna dalkani uma afduubnaan karo abadiyan.
    Xamar waxaa u soo baxay wiil hoog la yiraahdo Injinneer YARIISOOW oo bandaw ku soo rogay… Ugus iyo dallaal oo dhan hubkaa la dhigayaa. Hawshu ha socoto.
    Reply »*****Noolow adeer CAR yaa wax-ka-dhima ama ku dara. *War arrintani waa mid rajjo gelisay Ummade hala baxnaaniyo MACAAN Jeceshi Fiqi & Ina C/Shakuur godkoodiya biyo ugu galen. *Ina C/Shakuur waxaan mooday inay Dhismaha Maamulka Gobolka Xamar wax uga billaabanyihiin ILLEEN aqoontiisu waa mid mooriyaan. *Hadduusan Gobolka XAMAR Inj. Yariisow wuxuu doono Sax & Qalad ka yeeli-karin YAA loo daba fariista?. WBT

Leave a Reply to Garqaad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented