|

MUUQAAL: Xildhibaan Daahir Jeesow “Xukuumada Khayre waanu Ridaynaa”

Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Daahir Amiin jeesow waxa uu sheegay in wasiiradda Xukuumadda RW Xasan Cali kheyre ay dhibaato ku hayaan fadhiyadda Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana maanta madaxooda loo baajiyay kulanka, madaama ay soo xaadiri waayeen,  Wuxuuna Hawada u mariyey Fariin Hanjabaad u muuqatay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan Jeesow ayaa wacad ku maray in Xukuumadda Kheyre ay meesha ka bixi doonto, oo Mooshin ka keeni doonaan haddii Xildhibaanada wasiiradda noqday ay soo xaadiri waayaan kulanka maanta baaqday midkiisa kale.

“Waxaan Ballan ku Qaadaynaa hadii Fadhiga ku xigan Fadhigaan,  Golaha Wasiiradu ay imaan waayaan,  Wallaahay aniga ayaa Horkacaya, Mooshin ayaanu ka Keenaynaa oo Dhammaantood waan Ridaynaa, Ha Ogaado Raysal wasaaraha” Ayuu yidhi Jeesow.

Waxaa maanta oo sabti ah baaqday kulankii koowaad kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Iyadoona  Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanku uu sheegay in uu baaqday Kulankii koowaad Kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa in warbixin laga dhageysto guddiga Dastuurka oo ka hadlaya halka ay mareyso dib u eegista Dastuurka dalka oo 10 cutub oo ka mida wax laga bedelay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa sheegay in kulanka kooramka buuxsami waayey, 116 ayaa timid waxaa la rabay in ay yimaadaan 139-xildhibaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=1515

Posted by on Mar 30 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “MUUQAAL: Xildhibaan Daahir Jeesow “Xukuumada Khayre waanu Ridaynaa””

  1. Tageerayaashii dowladda farmaajo iyo kheyre. Oo maalin walbo oganaayo. Khiyaamada NAXLI NABSI.

    Tolow goodax Barre iyo salaad cali jeele salaad neef. Ma nool yihiin.

    JEESOOW WUXUU YIRI.

    Shacabkii kismaayo lahaa waa la haystaa. Mr kheyre wuxuu booqday meel qudus oo kale ah.

    Wuxuu kaloo yiri. Ninka beledwene ka yimid iyo ninka qabri dahar ka yimid kebaa u dhaw kismaayo.

    NIN CUQDADEYSAN OO AARSI DOON AH DAL MAHAGI KARAA?

    FARMAAJO OF KHEYRE.

  2. NUURKANEDERLAND

    WAA XILLDHIBAANKII LA DHIHI JIREY:-(MAXAAN CUNAA!!)

  3. Dad waxaa ugu liita ninka magaca Ilaahay ku dhaarta isagoo og in uusan fulin karin dhaarta uu dhaartay!! ummad dadka noocan ookale ahi ay horboodayaan siday dhibaatada baaxadda leh ee ku habsatay uga bixi.

  4. Khaatumo haanoolaatoo

    Somaaliya waxay noqotay isku maqan lagu maqanyahay
    Dhulkoda la boobayo xasbilaahu wa nicmawakiil

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented