Ciidamada DF oo Muqdisho ku xidhay Wasiirkii Amniga Jubaland [Warbixin]
Muqdisho ( Kalshaale ) Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa Maanta CIidamada Dawladdu waxay ku xidheen Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdrashiid Janan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay xireen, xilli uu ka yimid Kismaayo, isla markaana uu Transit ku ahaa Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa.
C/rashiid Janan ayaa loo heystaa eedeymo la xidhiidha xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.
Booliska Soomaaliya ayaa horay dambiyo ku soo oogay, waxaana jiray amar Maxkamadeed oo soo qabasho iyo horkeenid Maxkamad oo lagu soo oogay Mr Janan.
Hase ahaatee bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=13248
Waziir Amni Laheen Godka Jilicow Waa Inuu Salbuukada Ku Cunaa
Ahmed Kikuuyu Ayaa La Doonayaa In Laqbto Macadalaa
Wasiir Xaafadeed
Waa Dhiigyo Cab Waa In Xanuunka La Dareensiiyaa
Marka Hore Koronto Ku Qabta Inta Aan Maxkamada La Geynin
Kkkkkkkkk kkkk
Damida
Airabortigii Muqdisho ma wuxuu isu badalay meel mooryaan isbaaro u taal?
Wasiirada cusub uu axmed madoobe soowado miyuu iskawaayey xamar wax udoono isyiri
Canjeex Transit Ayuu Ku Ahaa Capitalka Somaliya Ee Muqdisho
Balayaada Canka Jeexan Ee Dhiiga Islaamka Xalaashaday
Waa Inay NISA Kadabkii Gooysaa Waa Hadii Uu Mujrimyahay
Ninkani waa daalim illahay la furtay Jubaland isaga iyo Axmed madobe ayuu Gabre u sameeyay.Waa ninkii Geedweyne ku dilay 6 qof oo jifadiisa ka dib markay ku sheegeen jaajuus Gabre u shaqeeya ka dibna diiday In la aaso dhurwaana uu cunay maydkii
Waar haddii ay jiraan eedaha iyo xadgudubyada lagu sheegayo ninkan waa in la daldalaa.
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali traitors
Waa talaab xagga wanaaga lo qaaday,waana guul wayn hadii aan maanta maqlay qof baa loo qabtay dambiyo uu ka galay shacabka Somaliyeed.
Maalin wayn ayay ka tahay xagayga.
Dalmida