MUUQAAL: Haweenay Soomaaliyeed oo Xajka Ku Geeriyootay iyo Odayga ugu Da’da wayn ee ka degay
Muqdisho ( Kalshaale ) Haweenay Soomaaliyeed oo kamid ah dadkii Gudanayey Waajibaadka Xajka ee Sanadkan ayaa ku geeriyootay dalka Suucudi Carabiya, sida ay xaqiijisay Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafkta ee DF Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca kale Ohi Aidros Samri oo ah Oday 130 sano jir ah oo u dhashay dalka Indonisia ayaa kamid noqday xaajiyaasha sanadkan gudanaya waajibaadka xajka sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Sacudi Carabiya SPA.
Samri oo la rumeysan yahay inuu yahay qofkii ugu da’ada weynaa ee abid xajiya ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Boqortoyada Sacudi Carabiya.
Qofkii ugu da’ada weynaa ee hore u xajiyay ayaa waxaa ay ahayd Ibu Mariah Marghani Muhamed oo 104 sano ahayd, kana soo jeeday dalka Indonisia taasoo xajisay sanadkii 2017.
Haddii si rasmi ah loogu aqoonsado Samir inuu yahay 130 sano jir ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa dadkii ugu cimri dheeraa caalamka ee abid soo jirey,waxaana ahayd qofkii hore ugu duqsanaa ee caalamka Jeanne Calment oo geeriyootay iyadoo 122 sano jir ahayd.


Short URL: https://kalshaale.ca/?p=11074
Allah ha u naxariisto, jannada ha geeyo maamada geeriyootay. Meel fiican iyo mowsim ama wakhti fiican ayay dhimatay. Ahalkii ay ka baxdayna samir iyo bedel khayr qaba ha siiyo.
Dadka sidaa ku dhinta culimadu waxay yidhaahdaan waxay ku tusinaysaa ama loo rajaynayaa khaatumo wanaagsan.
Dhinaca kale waxaa muuqata in wasaaradda awqaafta shaqa ka fiican tii xajkii hore qabanayaan xagga khidmadda ama serviceka. Laakiin waxaanan macquul ahayn qiimaha lagu xajinayo ee sanadka iyo imaan laawanimada shirkadaha Soomaaliya.
Waa in Somalia lagaga xajiya 200-300 dollar qudha oo laga saaraa meesha shirkadaha. Dowladda waa in ka daysaa dalaalka iyo maalin ku taajirka ku adkeeya dadka xajka sanad kasta inay saamilay ama shareholder ka ahaadaan xajka.
Dowladda waa inay dadka qaaddaa ilaa xajka
deetana dejisaa teendhooyin fiican, hotelna fiican, adeegsato basas fiican, gaysaa Madina oo aanan xajka ka mid ahayn, soona celisaa ilaa Somalia iyadoo ka qaadaysa 200-300 dollar qudha.
Meesha waxaa jooga dad imaan laawayaal ah oo shaqa ka dhigtay jaqidda dhiigga ummadda
Dr Mohamed Ali Ibrahim oo meesha iiga muuqda waa wasiir hore waana nin karmeed diinta yaqaan waa inuu howshan wax ka qabtaa.
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali traitors