|

Imaaraadka Carabta oo War kasoo Saaray Qaraxii Boosaso iyo dalka Qatar lala Xidhiidhiyey

Laascaanod ( kalshaale ) Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriirka Qatar ay la leedahay argagixisada.

Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “halista codka la duubay ma ahan mid lagu dabooli karo war-saxaafadeed la soo saaray.”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “u ololeynta argagixisanimo ee ka dhanka ah Imaaraadka waa mid laga shaleyn doono” wuxuuna intaa raaciyay in xiriirka afarta dal u jareen Qatar uu ahaa mid loo baahnaa.

Toddobaadkii tagay, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka  ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso.

Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=11055

Posted by on Jul 31 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Imaaraadka Carabta oo War kasoo Saaray Qaraxii Boosaso iyo dalka Qatar lala Xidhiidhiyey”

  1. Sheekoba sheekey keentaaye, ma hadaa hadana na loogu robay is ku dirka Soomaalia iyo Qadar, markii la arkay harab istaaga ay noo istaagtay. Imaaraadka ah ka nagu haya dhibka iyo qaraxyada ay Muqdisho ka degi ladaha iyagaa taakileeya oo nagu fan geliya mucaaradka iyo alshabaab ba. Iyagaa loo hayaa lacagihii jawaanada lagu jiidaayay taas baa ah cadayn buuxda ciidamaanu mushaharkoodii u sidnay, was run ciidamay u sideen waase ciidamadee? Waa ciidamada lashabaab iyo ciidamada calooshood u dirirka mucaaradka ah ee intay belo soo maleegaan haddana markay dhacdo qaylada ku dhufanaayo oo dhahaayo”Dowladdii way fashilantay ka da ka da” . Warkeyska New York Time waa saxaafad madax banaan oo wixii loo sheego un qora. Sheekada na waa iska cadahay waxay ka mid tahay dhacdooyinkii hore ba loogu soo tijaabiyey minjo xaabinta ma iilato Dowladdayada. Waxaana ka danbeeya kooxda Gabal-dayaasha, marba meel isku qaadayaasha, dhib kama daalayaasha, jahawareersan. Tanu ma shaqeyne mid kale bay ku maqan yihiin. Ee iska waxay keenaan aan aragnee.

    • ASC.
      Somalijecel adeer, dabagal oo raadi ciddi faafisay sheekadaan ay dadku ku mashquuleen. °Waxaa faafiyay nin Xaage la yiraah oo Boggaan wax ku qora. °Isna wuxuu ka soo xigtay 2ba weriye oo Maraykana Kana soo jeeda Yahuud. RUN. WBT.

  2. NuurkaNederland

    USA,UK,FRANCE,TURKI,QATAR,UAE,SAUDI,JORDEN & QAAR KALOO BADAN OO ILAA 40 DAWLADOODA BAA KA TAAGEERA ALSHABAB,ISIS,ALNUSRA,IWM.
    WAANA INTERNATIONAL PROJECT.
    WAXBA YEYSAN ISKU RIIXRIIXIN WAA OGNAHAY.WE KNOWS.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented