|

Ciidamo Cusub oo maanta Lagu Arkayo Gudaha magaalada Kismaayo

Garoowe ( Kalshaale ) Ciidamo cusub oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbalad Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadan oo u badan kuwa Boolis ah oo dhowaan la tababaray ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen gudaha magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona Musharraxiinta ku sugan Kismaayo ay dareemayaan qal-qal amni.

Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in ay dhacdo bisha soo socota ee August, balse waxaa weli taagan caqabado u baahan in la xaliyo.

Inta badan Musharaxiinta ayaanan is-diiwaan gelin, waxaana ay cabasho ka yihiin guddiga doorashooyinka oo ay ku eedeyeen inuu si gaar ah ula shaqeynayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Lama oga sida ay wax noqon doonan, balse waxaa isha lagu hayaa tartanka adag ee doorashada Jubbaland .

Axmed Madoobe oo doonaya in markiii saddexaad la doorto ayaa sanadkan la kulmaya loolan adag iyo cadaadis uga imaanayo dhanka dowladda Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=10992

Posted by on Jul 30 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Ciidamo Cusub oo maanta Lagu Arkayo Gudaha magaalada Kismaayo”

  1. The Somali government should use its power and all necessary tools to remove him from seeking another term period.its extremely very bad and extraordinary that uneducated man with so much baggage still using tribal millitia, with gross human rights violation and extra-judicial killing with impunity..
    We can’t stand idle and watch the situation in the ‘region’ get out of the hand and became downward spiral.

  2. Shire cigaal inad af qoraal af somali ah ad ku dhiibato fikirkaga ma ka kalsoni xumaa dawladda awood ay adeygsato ma jirtee iyadiba villa somalia kombo ku dhex xareyse ma ethiopia iyo abiy ha weydisato kalmo ayad ka wadaa jubbland lama farogalinayo dorashadeda iyada isaga fillan xilligi logu talogaley bay dhaceysa insha allah cadowgedana cagta hosteda iyo hoyga ay degan yihiin inay ka helan dhibatada jubbland lala rabo shiikh axmed maxamed islam dawladow allahayow ku daa aamiin

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented