|

Xildhibaan Ciyaar-jecel oo Sheegay in Dhibka Haysta Somalia uu ku Jiro Xal Loo helo Galmudug +Xaalada Xamar

Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah Baarlamaanka federaalka Soomaliya oo ka hadlayey safarka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu ku mashquulsan yahay xaaladda maamulka Galmudug oo uu tilmaamay inuu ku jiro xalka Soomaaliya.

Xildhibaan Ciyaar-Jecel ayaa sheegay in dhibka Soomaaliya uu ka yimaado Galmudug, islamarkaana ay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafka la dagay maamulkaasi. “Haddii Galmudug xal loo helo Soomaaliya xalbaa loo helay ayaa la yiraahdaa “ ayuu yidhi Xildhibaan Ciyaar Jecel.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu jiro fashil amni, Wuxuuna ka dalbaday madaxda dowladda federaalka in ay la yimaadaan isbedal dhab ah oo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabad geylada.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan weerar ismiidaamin ahaa Alshabaab ay ku qaadeen xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ay ku dhinteen guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin uu ku jiro guddoomiya gobolka Banaadir, Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=10980

Posted by on Jul 30 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Xildhibaan Ciyaar-jecel oo Sheegay in Dhibka Haysta Somalia uu ku Jiro Xal Loo helo Galmudug +Xaalada Xamar”

  1. Galmudug waligeed yaan xalin.
    Ma dadka xaqooda lasiin.
    Degaanka waxa degan degmada walba beel gooniya iyaga waxay rabaan. H.gidir. waxay San xaq u lahayn radiyaa n meel walba. Kuli wada .madaxweynaha. isku haystaan. Casimada
    .baarlamaanka. cidanka. Waxataa degaan 3 degmo. Kaliya. Xataa federalka qasaya an .Marka. hiiraan. Merlwalba. Rabaan inay kujiraan berm bay iska dhadhaciyaan muda .dher.
    Xalka somaliya waa in h.gidir runta loo sheegaa. Oo.layiraahdo dadka. Wax laqabsada idinkoo caqiina kaliya. Qaata.

  2. “. Haddii gobolkii la galay
    Gudomiyeyaal ay go’een
    Yariisow garaabo yahay
    Xilkiinii aad gabteen
    Hadana guul sheegataan
    Gaf iyo waa meel ka dhece
    Gadood shacab intuusan iman
    Filada aan leydin ku galin
    Garoowshiiyo muujiyoo
    Golaha xukuumadda bedela
    Xil gudasha la’aan darteed
    Gaalshire waa in loo diraa
    Kuwii amnigeena gabay. Xigasho ”
    Xildhibaan. Abdi shire ciyaar jecel.

    Xildhibaanka. Tixdaan waan ka iibsaday.

    Ilma ciyaar jecel xiliyadii dowladdi shariif iyo xasan. Wexey ahayeen. Niman aan gamban oo si.toos ah dhaliisha dowladdaha u sheego qaladaadka jiro. Sheego. Waxaa loo arkaayay dad wadanimo gubeyso oo dhiiga daadanaayo gubaayo.

    Markii farmaajo ladoortay. dalka waxaa ka dhacay qaladaad waaweyn oo siyaasadeed iyo xasuuq alshabaab geystay. Lama maqal qeyladii iyo qiiro jabaantii ilma ciyaar jecel. Halkaas waxaa ka cadaadatay. Markii horaba in qabyaaladii ka hadashineysay. Hadana qabyaaladi ka indha tirtay qaladaadka dhacaayo.

    Cafi walaalkaa sheekh keenyaawi. Markuu dhacay qaraxii kismaayo waala Wada ogaa qeyladii iyo ooyintii uu dhigay.

    Asbuuc kadib waxaa dhacay qaraxii gobalka banaadir oo waxaa halkaa lagu waayay dad Wada qaali ah. Yaa maqlay qayladiisa?

    Abwaanka iyo sheekhu. Waa kuwa bulshada u dhexeeyo. kulmiya. Hadii qabyaaladi kaa gasho wey adagtahay in aad nolaato. Oo aduunka la jaanqaado.

    Ilaahoow wadaadada iyo sheekhyada dhexdhexaad nooga dhig.

  3. Garqaad sxb anagu barihore ayaanu filimadaa fahanay ee idinkaa calabka buluugaa laydiinsoo huwadaa oo laydiin baroortaa Mr BaHaL ayaan kalmad kaqoray jadaad aragto oday dartoda oo midnimo iyo cadaalad-

  4. Garqaad ninka BaHaL layidhaa ayaan kalmad kaqoray waxa uu yidhi awoowgay ayaa igula dardaarmay hadaad aragto oday Daarooda oo kahadlaya dowladnimo iyo midnimo iyo cadaalad kacarara yaanu kucunine

  5. Warhoy aar hargaysa iyo DAWACO hargaysa WAXAAD TAHAY ba DAAROOD soomaaliya iska dad e GEESKA AFRIKA BUU kataliyaa taas WAA Xaqiiq Wuuna katalindoonaa ISAGOO somaliya EE Adigu MEEL Somali JOOGTO WAX kusoo kordhi adoon hoos iyo LAANGAABNIMO ka san Qadhin waxaas OO Umad somaliyeed iyo geyi soomaaliyeed WAXAAD saxaaraha caruurta Baani yaalka ugu go doomisay WAA UUN xoogaa Cuqdad DAAROOD iyo MID hawiye don’t worry Brother kasoobaxhalmagaalo dhulka somaliyeed AH kkkkkkkkkk VIVA ALL SOOMALIYA

  6. Habargidir waxeey taaganthy runta hala isugu yimaado awood shisheeye yaan la isugu dowladeyn.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented