Muqdisho : Dad Shacab ah oo Arin la yaab leh xalay loogu dilay degmadda Kaxda

Muqdisho ( Kalshaale ) Maleeshiyaad hubeysan ayaa Xalay Fiidkii waxay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ku toogteen dad Shacab ahaa oo fadhiyay Maqaaxi lagu Caweeyo, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Saddex qof ayaa halkaasi ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen Shan qof oo kale, waxaana weerarkan geystay rag ku hubeysan qori AK-47 ah oo watay gaadhi yar oo nooca raaxada ah.

Ehelada dadka xalay la dilay qaarkood ayaa sheegay iney falkan ay tuhunsan yihiin in loogu aar gudayey oday habeen kahor lagu dilay degmadaas, sidoo kalena lagu dhaawacay wiil uu dhalay iyo Haweeney kale.

Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado kadib gaadhay goobta uu weerarkan ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgalo baadhitaana ah, Inkastoo aaney jirin wax natiija ah oo ka soo baxday falkan dadka Shacabka ahaa lagu laayay.

Degmada Kaxda oo kamid ah degmooyinka ugu nabdoon Caasimadda ayaa todobaadyadii u danbeysay galeysa waji cusub, iyadoo ay soo badanayaan weerarada salka ku haya aanooyinka qabiilka, mana jirto wax talaabo ah oo ay arintan ku baajinayaan maamulka degmada Kaxda.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Xeer Ilaaliyaha Jabuuti oo Arimo la yaab leh ku eedeeyay Duuliye Fu’aad oo Xabsiga kasoo hadlay
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti Jaamac Sulayman Cali oo ...
MUUQAAL: Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax u dhaceen (Daawo)
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax ...
MUUQAAL: Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Xarumihii Ciidamada Xooga dalka
- Jun 6, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Saldhigyadii iyo Xarumihii ...
Muuqaal: Wasiirka arimaha Gudaha ee Jabuuti oo si adag Shacabka ula hadlay
- Jun 5, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale )  Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa u Hanjabay Shacabka ...
Kismaayo : Maxaa kala Qabsaday Jubbaland iyo Diyaarad u socotay Ciidamada Itoobiya ?
- Jun 5, 2020
Kismaayo ( Kalshaale ) Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu Hogaamiyo  oo aanu Xidhiidh ...