Maraykanka oo Jawaab Kulul ka bixiyey Hadal kasoo yeedhay Amiirka Alshabaab

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan saydhay guulihii ka dhankaa ahaa Mareykanka ee uu amiirka Alshabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ku sheegtay muuqaal socday 52 daqiiqo oo uu dhowaan soo duubay.

Taliye ku-xigeenka howl-gallada ee taliska Mareykanka ee Africa AFRCOM, Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in guulihii uu Abu Cubeydah ka sheegtay weerarkii ay dagaal-yahanada kooxda ku qaadeen saldhigga Ballidoogle aysan waxba ka jirin, balse taal beddelkeeda jab weyn lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Castellanos oo warbixin ku qoray shabakadda Military Times, ayaa sheegay in weerarkii dhacay 30-kii September lagu wada dilay dhammaan 15-kii dagaal-yahan ee Shabaabka ahaa ee soo qaaday, kadib markii ay ka hor-tageen ciidmadii Mareykanka ee ilaalada ka ahaa saldhigga. “Waxay lumiyeen noloshooda, hubkooda iyo qalabkooda.” Ayuu yidhi Castellanos.

“Saddex baabuur oo walxaha qarxa lagu soo xidhay ayaa qeyb ka ahaa weerarka fashilmay, laba ayagaa is qarxiyey inta aysan saldhigga soo gaadhin halna waxaa haleelay gantaal lala beegsaday.” Ayuu raaciyey hadalkiisa.

Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Mareykanka gaadhay ay ahayd hal askari oo miyir doorsamay kadib markii uu ka naxay jugta qaraxa.

“Tani waa sababta aysan argagixisada u baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo ay ku caddeyn karaan borobogaankooda inay khasaare gaarsiyeen Mareykanka, sababtoo ah ma jiro wax khasaare ah.” Ayuu yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos.

“Ururada argagixisada waxay inta badan beenta iyo akhbaartan aan saxneyn u baahiyaan si ay u xoojiyaan qorshahooda wax burburinta ku dhisan, uguna dhiiri-geliyaan dagaalyahanada ay qoranayaan. Si gaar ah, tani waxay inta badan dhacdaa marka khasaaraha uu ayaga ku badan yahay, uuna gabalkooda sii dhacayo. Tani waa xaaladda iminka ee Al-Shabaab.”

Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in Alshabaab “ay sii wadi doonto inay been baahiso, balse xaqiiqda dhulka ka jirta ay taas ka duwan tahay.”

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL XIISO LEH : Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga ? (Daawo)
- Jun 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga
MUUQAAL: Xeer Ilaaliyaha Jabuuti oo Arimo la yaab leh ku eedeeyay Duuliye Fu’aad oo Xabsiga kasoo hadlay
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti Jaamac Sulayman Cali oo ...
MUUQAAL: Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax u dhaceen (Daawo)
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax ...
MUUQAAL: Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Xarumihii Ciidamada Xooga dalka
- Jun 6, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Saldhigyadii iyo Xarumihii ...
Muuqaal: Wasiirka arimaha Gudaha ee Jabuuti oo si adag Shacabka ula hadlay
- Jun 5, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale )  Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa u Hanjabay Shacabka ...