MUUQAAL: Qaabkii Xilka looga Qaaday Gudoomiye Dhoobo iyo Jawaab Kulul oo uu bixiyey

Garoowe  ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa sheegay in aysan “sharci ahayn” codkii maanta Baarlamanka ee xilka looga xayuubiyay.

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yidhi Dhoobo.

“Waxaa na kala saaraya in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo, Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”, ayuu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku dooday in xildhibaannada Culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib mooshin ay ka keeneen.

Fadhi  ay Xildhibaanada ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

49 Xildhibaan ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka looga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdixakiin Dhoobo Daareed.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA XILKA KA QAADISTA

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Somalijecel says:

    Imaan ma jiro Aakhro na waa istaaqfurallah mar haddii lacag la sheego.
    Allow Ummaddi diinu lacag bay noqotay. Kitaabkii bidixdaa laga tuuray oo dhaartii waa la illoobay dalkii ka shaqeyso, hawshaqayn buu noqday, uurkii iyo afkii waa is diiday, gacantii baa ordaysa, ii dhiib aan ku dhuftee bay arrinti iyo mustaqbalkii Soomaaliya ku soo ururtay. Kii Alle xasuustana waa kaas walaga tuurayaa meeshaya si indho la’aan ah.

  2. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Aniga ninkaan Maxamed Axmed DHOOBO waa ila gardaranyahay. °Dadka inta yar oo fayoow waa ogyihiin inaysan Puntland ahayn Maamul Somali Walaa mid Daarood Walaa mid Harti LAAKIIN uu yahay mid Majeerteen siiba Maxamuud Saleebaan HADDABA ciddi damacda inay la qaybsato WAA ila Qaldantahay. WBT

  3. Somalijecel says:

    War ninkan magaca iga bililiqaystay muxuu ahaa?war illeen tanoo kale.

  4. RAAMALEEY says:

    Adeer dhulooska odayadooda garoowe banbarada KUWADA xiran iyo waxa baarlamaanka Mj maxamuud saleebaan IYO KUWA WARSAN GELI EE CALOOSHA KA WADA BUKA EE WAXAAS KUDHACAYAAN HA LA WAYDIIYO WAXA KU KALIFAY INAY HOOGAAS IYO BALANBALKAA IYO CEEBTAAS MARTI UNOQDAAN SUBXAAN ALAAH WAXAA KUXIGA DOQONKA DIMAHA CAD EE DHULOOS EE GAROOWE MOODAY XUDUN TALEEX CEERI IYO SOOL IYO CAYN ILAAHOOW CEEB ASTUR

  5. NuurkaNederland says:

    ADEER BEESHA DHEXE EE PL NINKII ISKU SOO TAAGA DAADKAA QAADAYA.
    Mr:DHOOBO WAA KU DAAYEY WUXUUNA ISKA INDHO TIRAY XAQIIQDA JIRTA EE AH IN PL AY LEEYIHIIN BEESHA DHEXE EE AAN LA WADA LAHAYN.




Wariye Cabdimaalik Coldoon oo Xoriyadiisa dib u helay Goor-dhowayd (Warbixin)
- Jun 6, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa maanta Xabsiga magaalada Hargeisa laga soo daayey Samafale / ...
MUUQAAL XIISO LEH : Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga ? (Daawo)
- Jun 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga
MUUQAAL: Xeer Ilaaliyaha Jabuuti oo Arimo la yaab leh ku eedeeyay Duuliye Fu’aad oo Xabsiga kasoo hadlay
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti Jaamac Sulayman Cali oo ...
MUUQAAL: Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax u dhaceen (Daawo)
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax ...
MUUQAAL: Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Xarumihii Ciidamada Xooga dalka
- Jun 6, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Saldhigyadii iyo Xarumihii ...