Maraykanka : Gabadh Soomaaliyeed oo Madax ka Noqotay Dhakhtar lagu daweeyay

Laascaanood  ( Kalsahaale ) Dr. Anisa Ibrahim waa dhaqtarad ku takhasusay caafimaadka carruurta, dhowaan ayaana loo magacaabay inay madax ka noqoto qaybta carruurta ee Xarunta Caafimaadka Harborview ee magaalada Seattle ee gobolka Washington, xaruntaas oo ahayd mid markii ay yareyd lagu daweyn jiray.

Dr. Anisa Ibrahim waa dhaqtarad ku taqasusay caafimaadka carruurta, dhowaan ayaana loo magacaabay inay madax ka noqoto qaybta carruurta ee Xarunta Caafimaadka Harborview ee magaalada Seattle ee gobolka Washington, xaruntaas oo ahayd mid markii ay yareyd lagu daweyn jiray.

Dr. Anisa waxa ay dalka maraykanka timid iyadoo la socota qoyskeeda sanadkii 1993-dii ka dib markii qaxooti ahaan looga soo qaaday xeradii Otanga ee dalka Kenya. Tan iyo xilligaana waxay ku nooshahay magaalada Seattle ee gobolka Washington.

Cel celis ahaan 600-700 oo carruur ah ayaa xarunta ay madaxda ka tahay Dr. Anisa daweyn caafimaad loogu fidiyaa, kuwaasoo ugu yaraan in ka badan 200 ay iyadu daweyso

Dr. Anisa waa hooyo leh laba carruur ah oo ay dhashay intii ay ku jirtay waxbarashada jaamacadeed ee xagga caafimaadka, waxayna barnaamijka kaga sheekeyneysaa wixii ku dhaliyay inay dhaqtar noqoto, sida ay u aragto in loo magacaabo inay madax ka noqoto qaybta carruuta ee Xarunta Caafimaadka ee Harborviewe ee iyada oo yar lagu daweeyay, cidda ku dhiiragalisay inay gaarto yoolka ay hiigsaneysay, caqabadaha ay la kulantay, iyo sida ay hadda isu aragto.

Isha : VOA Somali

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Land of Punt says:

    Great news, great woman.
    Dadkii Somali ugu aqli badnaa wadamo kale ayaa ka faaiidaystay.

  2. Dusha says:

    Waa arin natural/caadi ah marka waddan dagaalo ka dhacaan, marka waddan cabburis/dictatooriyad ka dhacdo, marka colaado diineed dhacaan, waxaa arrimahaas dhibsada oo ka qaxa dadka dalkaas ugu maskaxda badan, tusaale daka Maraykanka, Canada, Australia, New Zealand dhisay waa qaxootigii yurub iyo kuwo kale oo adduunka kale ka soo qaxay….qaxootiyadaasi waddamada ay dhiseen waa ka system wanaagsanyihiin waddamada kale ee aan qaxootigu aasaasin……

  3. Dusha says:

    Waxaa si xawli ah u badanaya dadka Soomaaliyeed ee horumar weyn ka samaynaya dhinac walba oo noloshaa sida waxbarashada, businesska, iyo siyaasadda waddankan maraykanka….

    Dadka reer maraykanka caadigaa waxaa isu qaban la’ sida Soomaalida maraykanka joogta oo maskaxbadantahay…dhinac walba oo noloshaa horumar uga samaynayaan iyo aragtida waddan ahaan iyo dad ahaan laga haysto…..su’aashu waa haddaad sidan u maskax badantihin, u firfircoontihiin maxaa waddankiinu sida la arkay u noqday? Idinka halkan jooga iyo kuwa waddankii joogaa sow isku mid ma tihidin? Su’aalahaas Soomaalidu jawaab dadka maraykankaa qancisa uma hayaan, qof waliba waxbuu sheegsheegaa….




MUUQAAL XIISO LEH : Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga ? (Daawo)
- Jun 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga
MUUQAAL: Xeer Ilaaliyaha Jabuuti oo Arimo la yaab leh ku eedeeyay Duuliye Fu’aad oo Xabsiga kasoo hadlay
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti Jaamac Sulayman Cali oo ...
MUUQAAL: Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax u dhaceen (Daawo)
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax ...
MUUQAAL: Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Xarumihii Ciidamada Xooga dalka
- Jun 6, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Saldhigyadii iyo Xarumihii ...
Muuqaal: Wasiirka arimaha Gudaha ee Jabuuti oo si adag Shacabka ula hadlay
- Jun 5, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale )  Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa u Hanjabay Shacabka ...