Garoowe : Dagaalkii ka dhacay Xarunta Baarlamaanka, Khasaaraha iyo Taliska Booliska oo War kasoo saaray

Garoowe  ( Kalshaale ) Magaalada Garoowe waxaa Xalay laga maqlay Rasaasta waaweyn ee lagu xidho gawaadhida tiknidda ah iyo kuwa Qoryaha fudud ka dhaca agagaarka aqalka golaha wakiilada Puntland, ciidamo ka tirsan madaxtooyada ayaa la sheegay in ay dul-taggeen aqalka barlamaanka waxaana gebi ahaanba goobta in ay soo galaan u diiday ciidamada ilaaliya xarunta, ka dibna waxa ka dhashay dagaal laysu adeegsaday hub.

Dagaalka ayaa  la sheegay inuu dhex maray ciidamada ilaalada ka ah xarunta baarlamaanka iyo ciidamo ka socday dhinaca Madaxtooyadda oo soo weeraray, Waxaana Khasaaraha ka dhashay Lagu sheegay Geerida Afar Ruux oo Askar ku jirto iyo dad shacab ah oo ku dhaawacmay.

Hase yeeshee ciidamadan ayaan usuurtogelin inay gudaha u galaan xarunta baarlamaanka iyagoo kala kulmay difaac xoog leh ciidamadii ilaalada ka ahayd xarunta baarlamaanka.

Si kasta ha ahaatee waxaa wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland  Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa dhacdadii Barlamaanka ka dhacday ee dhismashada iyo dhaawac sababtay ku eedeyey Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Abdixakiin Maxamed Axmed dhoobo-dareed oo uu sheegay in maleeshiyo uu barlamaanka ku soo uruuriyey ay xabad ku bilaabeen Booliska gobolka oo uu sheegay doonayey in ay la wareegaan amaanka xarunta madaama ay Nabad galyada u xilsaaranyihiin.

Taliyaha Boolisku wuxuu sheegay in aysan weerar ahayn xiligan ay doonayaan in meleeshiyaadka xarunta barlamaanka ku jira ay doonayaan in meesha laga soo saaro oo ay orayaal u diraan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Mr BaHaL says:

    Waa Daayeer wata gaadhi oo sita qoryo aanay masuul ka noqonkarin.

    Waa ragii Beereha qodan lahaa ee shaqysan lahaa .Dhulka iska banaan ee ay dhex marayaan ayaa ama ay dhex ordayaan ma fahansana qiimaha uu leeyahay.

    Reer Hebel ayaa ku soo duulay.

    Nin waalanbaa yaabay.

    Dalmida

  2. kader says:

    Markaad minority tahay waa inaad edeb yeelataa. You get it kaagan Bahal isku sheegay. Wallee Deni waa nin raga. Nasiib ayuun baa dil ka badbaadin kara. Ileyn niman mohamud saleebaanu dilaye. Bal faarmaajaha soo diray wax hawtaro.

  3. NuurkaNederland says:

    ADEER DHOOBO BEEN BUU ISKA DHAADHICIYEY PL-na LAMA WADA LAHEE BEESHA DHEXE=MAX’UD SALEBAN BAA LEH,
    GAROOWANA WAA MAGAALO QABIIL,
    XAQIIQDU WAA TAAS.
    SOMALIYANA QABIILKAA U SHARCIYA,
    XAQIIQDU WAA:
    P/LAND=MAX’UD SALEEBAANLAND
    S/LAND=ISAAQLAND…
    QOFKU INUU WAAQICIGA KU XISAABTAMO WAA MUHIM!!!.




MUUQAAL XIISO LEH : Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga ? (Daawo)
- Jun 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga
MUUQAAL: Xeer Ilaaliyaha Jabuuti oo Arimo la yaab leh ku eedeeyay Duuliye Fu’aad oo Xabsiga kasoo hadlay
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti Jaamac Sulayman Cali oo ...
MUUQAAL: Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax u dhaceen (Daawo)
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax ...
MUUQAAL: Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Xarumihii Ciidamada Xooga dalka
- Jun 6, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Saldhigyadii iyo Xarumihii ...
Muuqaal: Wasiirka arimaha Gudaha ee Jabuuti oo si adag Shacabka ula hadlay
- Jun 5, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale )  Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa u Hanjabay Shacabka ...