MUUQAAL: RW. Khayre oo Muqdisho Kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Denmark Iyo Arimaha laga hadlay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo maanta booqasho ku yimid dalka ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib-u-kabashada dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.

Jeppe Sebastian Kofod oo bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha dowladeed iyo qorshaha dib-u-qaabeynta iyo dadaalkeeda la dagaallanka argagaxisada, iyo dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay kusii garab taagnaato taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha

Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood.

Bishii October ee sannadkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Wariye Cabdimaalik Coldoon oo Xoriyadiisa dib u helay Goor-dhowayd (Warbixin)
- Jun 6, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa maanta Xabsiga magaalada Hargeisa laga soo daayey Samafale / ...
MUUQAAL XIISO LEH : Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga ? (Daawo)
- Jun 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga
MUUQAAL: Xeer Ilaaliyaha Jabuuti oo Arimo la yaab leh ku eedeeyay Duuliye Fu’aad oo Xabsiga kasoo hadlay
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti Jaamac Sulayman Cali oo ...
MUUQAAL: Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax u dhaceen (Daawo)
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax ...
MUUQAAL: Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Xarumihii Ciidamada Xooga dalka
- Jun 6, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Saldhigyadii iyo Xarumihii ...