Maraykanka : Gabadh Soomaaliyeed oo Xil Cusub ku Guulaystay [Warbixin]

London ( Kalshaale ) Safiyo Khaalid oo 23 jir ah ayaa noqotay gabadhii ugu horreeysay ee Soomaali ah kana mid noqota golaha degaanka Magaalada Lewiston ee Gobolka Main ee dalka Mareykanka.

Tartanka doorashada Golaha degaanka Magaalada Lewiston ee Dalka Mareykanka ayaa la soo gaba gabeeyay waxaana Safiya ay ku soo baxday 69.6% codkii ay dhiibteen dadka Magaaladaas ku nool.

Waxaa ay doorashada kaga adkaatay xubin ka mid ah Xisbiga Dimuqraadiga oo ay iyadaba ka mid tahay.

Sanadkii 2017kii ayaa iyada oo 20 jir ah waxaa ay u tartantay guddiga waxbarashada ee Magaalada inkasta oo aysan ku guuleysan.

Xilka Golaha degaanka ee ay ku guuleysatay waxaa hayay Jim Lysen, kaas oo aan sanadkan tartamin in ay guuleysatana isaga ayaa qeyb ka ahaa waxaana uu u ololeeyay sidii iyada loo dooran lahaa.

Ilhaan Cumar oo hadda ah Xubin ka mid ah Aqalka hoose ee Mareykanka ayaa ololaheeda siyaasadeed ka soo billowday Magaalada Mennisotta ee dalka Mareykanka,waxaana ay 2016 loo doortay in ay noqoto Gabadhii ugu horreysay ee Muslim Afrikaan ah xubinna ka noqota aqalka hoose ee Mareykanka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Dabshid says:

    Gabdhahaan mey iska daayaan siyaasadda oo Dhaqaatiir iyo Macallin noqdaan.

    Tuhore ayaa naceebaysay tana ayadey u taal, miney Cadiif Cadde Xabadka saarto.

  2. Adam says:

    Safiya Maasha allah waxay wax u qabanaysaa dadkeena soo saray waa shaqo ka fiican caafimaadka (u duceeya in allah diinta iyo sharafta somalinimo Ilaashato hambalyo)




MUUQAAL XIISO LEH : Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga ? (Daawo)
- Jun 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxay Soomaalidu ka Baran Karaan Walaalkood Turkiga
MUUQAAL: Xeer Ilaaliyaha Jabuuti oo Arimo la yaab leh ku eedeeyay Duuliye Fu’aad oo Xabsiga kasoo hadlay
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti Jaamac Sulayman Cali oo ...
MUUQAAL: Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax u dhaceen (Daawo)
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax ...
MUUQAAL: Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Xarumihii Ciidamada Xooga dalka
- Jun 6, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Saldhigyadii iyo Xarumihii ...
Muuqaal: Wasiirka arimaha Gudaha ee Jabuuti oo si adag Shacabka ula hadlay
- Jun 5, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale )  Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa u Hanjabay Shacabka ...