MUUQAAL: Faadumo Siciid oo Siyaasada uga Baxday Xaaladaha ka taagan Somaliland [Daawo]

Hargeisa  ( Kalshaale ) Faadumo Siciid oo kamid ah Xisbiga Wadani ayaa maanta ku dhowaaqday inay Iska Casilayso  Xilkii ay ka haysay Xisbiga Wadani, Waxayna xustay inay isku Casishay  Xaaladaha kala duwan ee ka taagan Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Bariga sanaag waad aragtay waxa kasoo Kordhay,  Ceel Afwayn waad ogtahay in la kala saari waayey Laba Qoys,  sidoo kale  Jabhado ayaa ka dilaacay  Somaliland,   Arimihii dibadda oo wax ka dhaca mooyee, aan waxba u siyaadin,  Xaalada dalku waxay Noqotay Gaadhi Banjaray, 

Waxaa Damiirkaygu Ogolaan waayey inaan ku Milmo Jaah-wareerka taagan,   Waxaan go’aansaday inaan iska Casilo xilkii aan ka hayey wadani, Waan Arki waayey isbade, Siyaasadda inaan isaga jiro waxaa ka fiican anigoo noqda Siyaasi Madax banaan.” Ayay tidhi Faadumo Siciid.

Dhinaca kale Faadumo Siciid ayaa sheegtay inaanu Jirin wax Khilaaf ah oo kala dhexeeya Hogaanka Xisbiga Wadani , Waxayna xustay inaanu Jirin wax Codsi ah oo uga yimid dhinaca Madaxwaynaha Somaliland.

Ugu dambayntii waxay ku dar-daarantay   in laga shaqeeyo danta guud, Waxayna ka hadashay arimo kala duwan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. Dabshid says:

    Hon Marwo Fowsiyo Yuusuf X. Adan ayaa kula talisey iney Xisbi sameysato, kadibna Xamar ugu timaado.

    She will be the next Somali Republic Minister.

    – Mise Cudurkii Bari ayaa Galbeedka soo gaarey oo waa – XISBI ROGOSHO aka Digo-rogosho.

    – Dumarku waa lafdhabarka Bulshada Soomaaliyeed – QURBE IYO DALBA.

  2. Dabshid says:

    3 xisbi
    3 nin
    3 qabiil

    Somaliland dan uma ahan.

  3. Barwaaqo says:

    Raga Somaliyeed een ogolayn qof dumara oo ka cilmi iyo caqli badan inay dhegaystaan bay siyaasadda uga tagtay. Nimanka Siyaasiyiinta Somalidu waa Daanyeero (kkk Waa halkii Cadaado’e) including kaan u dhaxay.

  4. Mr BaHaL says:

    Aaadbaan u soo dhawaynayaa in Haweenka Somaliyeed lagu wareejyo hogaanka Somaliyeed/min Tulo ilaa qaran.

    Aka Arr-Weelo,wacdarihii ay ka dhigtay Gayiga maanta la yidhaa Somaliya,Ethopiya,Jibtti iyo Areteeriya.

    40 sano oo ahaa maamul adag.Taariikhdaasi waxay dhacday muddo dheer uu u dagaal sokeeye ka socday Aji/Agew,Somalida maanta.

    300 sano oo jaho wareer ah oo lagu jiray.

    Damut Queen Arraweelo.

    Dumarka Somaliyeed waa Geesiyo.

    1)Booyada biyaha dhaamisa.
    2)Enjineerka aqalka dhisa.
    3)Caano yaqaanka caanaha u kala saara subag iyo ciir.
    4)Dabaakha cuntada kariya.
    5)Sameeyaha qalab ka aqalka laga sameeyo.
    6)Maareeyaha maamula caruurta iyo xoolaha.

    Ninka Somaliyeed waa Dameer Geedka seexda oo habeenkii cunto soo doonta.

    Misane markuu dhergo Reer kale weeraraa ayuu xoolo ka soo dhacaa – ileen waa Tuug xaraan cun ah oo aan shaqyanine.

    Wuxuu faaiido u keenaa Reerkiisa inuu cadow soo weeraro oo uu dabagaliyo reerkiisa.

    Wali arinku halkii ayuu jaalaa.

    Haweenka Somaliyeed,waa jirintaanka Ummada Somaliyeed.

    Dalmida

  5. C/Raxmaan says:

    Haweenka Soomaaliyeed tira ahaan waa qiyaas 60+ % shacabka Soomaaliyeed , hadaba hadey wax isku hayaan ha isticmaalaan dhamaan awoodahooda aqooneed , xirfadeed , dhaqaaleed , tireed iyo tayeedba , hana ku badbaadiyaan dalkooda aka caruurtooda . Haddii kale ha iska sugtaan intuu RAGGA ( Soomaaliyeed ) ka dhamaanaya dunida , hana iska QOOSTAAN cajiinkooda .

    Marwo Zambuusaa yaabtay .

  6. Aarka hargaysa says:

    Waxaa bilaabmay burburkii xisbiga waddani dadbadan oo wanaagsan ayaa kayaacay oo uu kow kayahay iba jirde fadumona wataa hadalka inoo sarbeebtay

  7. Land of Punt says:

    Barwaaqo
    Gabdhaha Somaliyeed waa gob, haddii talada loo dayn lahaa, walaahi in meeshaan jiifneen.
    Waa hadalkii dr C/Raxman..kkkkkkkk
    Gabadhaha Somaliyeed waa in yiraadaan nimanka Somaliyeed nama gayaan….allow ceeb astur.
    Anigu heerkaas gaarimaayo, in rag qaarad kale jira ilaahay u qoray hablaha Somaliyeed.
    laakiin waa hadal meesha ku jira in daanyeer rag ah oo ummadda u turayn dalkii xoog ku haystaan.
    Vivo hablaha Somaliyeed iyo Fadumo Siciid.




MUUQAAL: Xeer Ilaaliyaha Jabuuti oo Arimo la yaab leh ku eedeeyay Duuliye Fu’aad oo Xabsiga kasoo hadlay
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti Jaamac Sulayman Cali oo ...
MUUQAAL: Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax u dhaceen (Daawo)
- Jun 6, 2020
Jabuuti ( Kalshaale ) Banaanbaxyadda Jabuuti iyo Warbixin ay BBC ka Diyaarisay Sida wax ...
MUUQAAL: Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Xarumihii Ciidamada Xooga dalka
- Jun 6, 2020
Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Jen. Odowaa oo Galmudug ka dhagax dhigay Saldhigyadii iyo Xarumihii ...
Muuqaal: Wasiirka arimaha Gudaha ee Jabuuti oo si adag Shacabka ula hadlay
- Jun 5, 2020
Hargeisa  ( Kalshaale )  Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa u Hanjabay Shacabka ...
Kismaayo : Maxaa kala Qabsaday Jubbaland iyo Diyaarad u socotay Ciidamada Itoobiya ?
- Jun 5, 2020
Kismaayo ( Kalshaale ) Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu Hogaamiyo  oo aanu Xidhiidh ...