Maxaa kasoo Kordhay Xaalada Caafimaad ee RW. Nuur Cadde ?

Hargeisa  ( Kalshaale ) Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxay warar sheegaya in uu magaalada London ee dalka Britain ku xanuunsan yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde).

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay in aabihii uu ku jiro isbitaal ku yaala magaalada London, halkaasina lagu dabiibayo, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay xanuunka dunida oo dhan aafeeyay ee corona.

“Xaaladda ra’iisul wasaare Nuur Cadde aad ayay u wanaagsan tahay, waxaan filayaa in bulshada Soomaaliyeed ay la socoto in uu xanuunsan yahay oo isbitaal ku yaala London uu ku jiro, halkaasina lagu daweynayo, xaaladiisana waa ay degan tahay hadda, London ayuu degan yahay, waxaana halkaas ku qabsaday feyraska corona”, ayuu yiri wiilka Nuur Cadde.

Wuxuu intaa ku daray in xaaladiisa ay kasoo reyneyso, sababta isbitaalka loo geeyayna ay tahay in uu qabo xanuuno ay kamid yihiin macaankaa ama sonkorta, waxaana uu yiri “sideed maalmood kahor ayaa lagu arkay xanuunka”.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay warar been abuur ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu soo qoray baraha bulshada, kuwaas oo uu sheegay in aysan waxba ka jirin.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. mingistume soo dag says:

    I pray to the Prime Minister for good health
    ——————————————–
    Cudurkan waa mid dadku isku gudbin karo, gaar ahaan haddii ay dadku aad … neefmareenka qofka xanuunsan marka uu qufaco ama hindhiso. … Sidee ayaan isaga difaaci karaa cudurkan, dadka kalana uga ilaalin karaa?….
    ——————————————
    UNLIMITED POWER OF GOD (ALLAH)?..
    ALLOW XANUUNKA KA QAAD..?
    ALLOW U NAXARIISO…?
    —————————————




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...