Maraykanka oo dalalka Caalamka Gargaar ka dalbaday iyo Wararkii u danbeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warramay in xukuumadda madaxweyne Donald Trump ay baaq u jeedisay dalalka caalamka, kaas oo ah in ay la soo gaaraan ama ay ka iibiyaan qalab caafimaad oo muhiim u ah wax ka qabashada fayraska corona.

Mareykanka ayaa doonaya in laga caawiyo qalab ay ka mid yihiin mashiinka neefta ka caawiya dadka uu naqaska ku dhago, dawada gacmaha lagu nadiifiyo, maryaha sanka iyo afka lagu xirto, qalabka wajiga lagu xirto, dharka qafilan ee dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha ay xirtaan iyo kuwa kale oo badan oo gacan ka geysan kara wax ka qabashada xanuunka.

Wuxuu sidoo kale Mareykanka dalbaday in codsigiisa mudnaan gaar ah la siiyo, maadaama fayraska corona uu kusii faafayo guud ahaan dalkaas.

Warbaahinta CNN ee Mareykanka ayaa kusoo warrantay in ay heshay dukumenti muujinaya in Mareykanka uu diblomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Washington ka dalbaday 25 shey oo agab caafimmaad ah, kuwaas oo ay sheegtay in aad loogu baahan yahay xilligan.

Illaa iyo haddana ma cadda inta dal ee aqbashay codsiga Mareykanka.

Sarkaal sare oo xukuumadda madaxweyne Trump u qaabilsan dhanka ganacsiga oo lagu magacaabo Peter Navarro ayaa wargeyska The New York Times u sheegay in Mareykanka uu xitaa gargaar caafimmaad weydiistay Shiinaha oo uu Trump ku eedeeyay in aysan wax badan ka qabanin faafidda fayraska.

“Shaqadeyda Aqalka Cad ee xilligan waxay tahay in aan gacan ka geysto sidii loo heli lahaa waxa shacabka Mareykanka ay u baahan yihiin iyo sidii aan u soo iibin lahaa meel walba oo aan awoodno oo xitaa haddii loo baahdo aan diyaarad u diri karno haddii aan kasoo heleyno,”.

“Haddii Shiinaha ama dal kale uu hayo maryaha sanka lagu xirto ama goloofis ama wax kale oo ay u baahan yihiin shacabka Mareykanka, waxaan ku soo dhaweyneynaa gacmo furan,” .

Fayraska Karoona ayaa Saamayn Balaadhan Wuxuu ku yeeshay dalalka Caalamka, Waxaa u dhintay Kumaan Ruux, Waxaa sidoo kale Meesha ka baxday  Khilaafkii dalalka ee Xiliga Barwaaqada ay dadku ka Fadhiisan waayeen, Iyadoona uu dalka kasta taagan yahay ‘Naftayda’.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. mingistume soo dag says:

    kkk: Coronavirus: What this crisis reveals about US – and its president?…kkk
    ——————————————
    What can the West learn from Asia’s coronavirus fight?…
    —————————————–
    Al-Qadr is the concept that Allah knows everything and has already decided everything that will happen. This is called predestination . Al-Qadr is linked to the six beliefs of Sunni Islam?..




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...