Raysal wasaarihii Hore ee Somalia oo Xanuunka Corona uu ku dhacay iyo RW. Khayre oo ka hadlay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde) ayaa Xaaladiisu Culustahay, Wuxuuna ku Xauunsanayaa oo la dhigay Cisbitaal ku yaala Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Warar soo baxay ayaa sheegay in laga helay caabuqa Coronavirus, oo  ku sii faafaya dalal badan oo ku yaalla caalamka, waxaana u dhintay in ka badan 10,000 oo qof halka boqolaal kun oo kalena ay la ildaran yihiin, Waxaana Dalka Ingiriisku uu ka mid yahay goobaha uu Saamaynta Balaadhan ku yeeshay.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada Nuur Cadde, isagoo sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay qoyskiisa.

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’isul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaadhsiiyay in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayuu yidhi Xasan Cali Kheyre  oo Alle uga baryay Nuur cadde inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Garqaad says:

    Alla hacaafiyo.

  2. Land of Punt says:

    Nuur Cadde adeerkiis Cabdulahi Yusuf oo na baray ninkaan markuu Somali PM ka dhigay hakadabatago. Allah ha u gargaaro….
    Odayaashaas janada ayaa noo balan ah.
    Khayr iyo shar labadaba waa wateen….run

  3. Mohamed Ahmed says:

    Ninkaas nuur caddee la dhaho runtii waa ninkii dawladdiisii dumiyey ee jabhadii eritaria ku wareejiyey wuxuu ku habionaa in la dilo waa wuxuu ahaa khaa’in waddan aan abaal galin oo ballan laawe ayuu ahaa. Dhimashada iyo nolosha allaah ayaa haya qofku wakhtigiisa dhaafiyo laakiin xanuunkii uu dalka u gaystay ayuu abaal u helay inuu caroonavirus ku dhaco.

  4. Xaange says:

    Allaha caafiyo. Cudurkan soomaali badan oo diidey inay talooyinka hayadaha caafimaadka wadamada ay ku noolyihiin siiyeen ayuu fara ba’an ku hayaa.
    Qaar baa karantiilkii iyo fasaxii ay heleen uga faa iidaystey inay maqaaxiyha fadhi ku dirirka ita tagaan hoosta ka galaan odoyaal xanuuno qaba difaacna aan u lahayn cudurkaa inay iska difaacaan




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...