MUUQAAL: RW. Khayre oo Shacabka La Wadaagay Guusha laga Gaadhay DeynCafinta iyo Go’aanada soo baxay [Daawo]

Muqdisho ( Kalshaale ) Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ee Bankiga Adduunka ayaa go’aamiyay in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u bilowdo helitaanka deyn hoos imaaneysa Kobcinta Waddamada ku jira saboolminada, Waxayna  Soomaaliya Noqotay dalka 37aad ee gaadha horumarkan, oo loo yaqaan HIPC.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gargaarka deynta ayaa ka caawindoona inay Soomaaliya isbedel wayn oo dalkeeda iyo dadkeeda ay u Horseedo, Waxayna Muddo kadib Soomaaliya   fursad u helidoontaa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay islamarkaana waxaa bulshada caalamku dib u furi doontaa marin u helista ilo dhaqaale oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka, gacan ka gaysato hagaajinta xaaladaha bulshada iyo kor u qaadista shaqo abuurka Soomaalida.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo arintaan ka hadlayay ayaa isna yidhi, “Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu faraxsan yihiin go’aanka IMF iyo World Bank Group ee u oggolaanaya Soomaaliya inay si buuxda ula shaqeyso Hay’adaha Maaliyadda Caalamiga ah. Go’aankani wuxuu u yahay guul muhiim ah oo Soomaaliya u soo bandhigaya fursado waafi ah iyada oo si is daba joog ah ula socota howlaha dib-u-habeynta ee hadda socda iyo sidoo kale soo kabashadeeda iyo qorshaheeda horumarineed.’

“Safarka noo horseeday go’aankani wuxuu u baahnaa shaqo adag, u hibeyn iyo iskaashi. Dowladda federalka waxay u mahadcelineysaa IMF, Bangiga Aduunka iyo la-hawlgalayaasha taageeradooda aan kala go ‘lahayn iyo dadka Soomaaliyeed sabirkooda iyo adkeysiga safarkan,” ayuu yidhi Khayre.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Ahmed Najaad says:

    Ama saan oo kalaa loo shaqeeyaa ama raysulwasaare lama noqdo.
    Intuu sheegay waxaan markhaati uga ahay
    1. In mushaarku joogta ahaa inteey xilka qabteen.
    2. In hay’adaha lacagtu qireen in Somalia laga dareemay hannaan saxan oo maaliyadeed.

  2. Kalsame says:

    N&N iyo magacoodu isku ekaa… Guul..

    Dib u doorta N&N mar labaad iyo mar 3aad…

  3. Dabshid says:

    Kheyre waa hogaamiyaha Xamar iyo xamar daye, waa hogaamiye u talinkaro Dadkiisa uyo Tuuladiisa.

    Caalamkaan horumarey nimaan Canshuur dhiibin looma aqoonsado Wadani.

    * Kudarso ama kadarso

  4. Mr BaHaL says:

    Bahasha madaxnimo ah laguma helo qaylo,cay,dagaal iyo Reer Hebelnimo.

    Hadii aad madax qaylo ku noqontid sidii shariif axmed ama xasan sheikh waa ku fashilantaa arinteeda.

    Nibaa hilibka jeclaa,misana muddo ayuu raadinayay hilib uu cuno.Maalin ayuu helay meel hilib lagu cunayo.Waxaa lagu yidhi waar soo fadhiiso oo waxaa loo dhiibay hilib.Ninkan oo jeclaa hilibka baruurta ah ayaa xoog u goostay hilibka qaybtiisii baruurta ahayd.

    Ileen waa nin xayraansane,hilibkii u goostay ayaa ku siibtay oo toos u tagay calooshiisa.

    Ninkii ayaa yidhi”waar waan arkayay hilobkaasi,Wax aan la ii qorin ayuu ahaa”.

    Hada hilibka isaga ayaa liqay oo calooshisa ayuu fadhiiyaa,laakiin iibaan la’aantii ayuu hilibku ku siibtay kkk

    Haatan.xasan sheikh iyo sheikh shariif bahashu way ku siibtaykk

    dhadhankeedaba may arag.Motion iyo qaylo ayay moodayeen in wadan lagu hogaaminkaro. kkkk

    Bahasha mabay fahansanayn kkkk

    bahashan baashaalka lagu wato ee qosolka ku socota ayay ku baraaugeenk

    Wax aan la ii qorin ayay ahayd.

    Dalmida

  5. Xaange says:

    Beenta uu soo wado darteed ayuu qosol kasoo fakaday hadalkaba intaanu bilaabin.
    Wax runa inaanu sheegayn waxaa caddayn u ah isaga iyo Beyle ayaaba kala hadlaya.
    Deyn Deyn dulsaar leh ku gud si aad mid kale u qaadato iyo wixii kale ee aad hesho.Laakiin waxaa hubaal ah in process-ka hawshaasu aanu dhaweyn wakhtiguna uu cidhiiidhi ku yahay

  6. Baarqab says:

    Xaare adiga waxba lagu weydiin maayo ciil,cabbaad iyo cataw halkaa la fadhi wallee cudadaad u dhiman,illeen bahashu dawo malahee waa carona viruse




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...