Madaxwayne Farmaajo oo Ka hadlay Guusha Barnaamijka DEYN Cafinta

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa ayna Soomaaliya qorsheynaysaa in ay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

“Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna.

“Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. gaafaw says:

    guul wiilkan bah ogaadeen ,ee uur midig ciidan kakooban hawrarsame iyo habaryaquub amxaaro intuu soo ururiyeybayuu yidhi waa ciidab qaran lakiin anakoo ah cagdheer sorry caadheer ilgaara ayaan kuhaynaa

  2. Mr BaHaL says:

    Bahasha madaxnimo ah laguma helo qaylo,cay,dagaal iyo Reer Hebelnimo.
    Hadii aad madax qaylo ku noqontid sidii shariif axmed ama xasan sheikh waa ku fashilantaa arinteeda.
    Nibaa hilibka jeclaa,misana muddo ayuu raadinayay hilib uu cuno.Maalin ayuu helay meel hilib lagu cunayo.Waxaa lagu yidhi waar soo fadhiiso oo waxaa loo dhiibay hilib.Ninkan oo jeclaa hilibka baruurta ah ayaa xoog u goostay hilibka qaybtiisii baruurta ahayd.
    Ileen waa nin xayraansane,hilibkii u goostay ayaa ku siibtay oo toos u tagay calooshiisa.
    Ninkii ayaa yidhi”waar waan arkayay hilobkaasi,Wax aan la ii qorin ayuu ahaa”.
    Hada hilibka isaga ayaa liqay oo calooshisa ayuu fadhiiyaa,laakiin iibaan la’aantii ayuu hilibku ku siibtay kkk
    Haatan.xasan sheikh iyo sheikh shariif bahashu way ku siibtaykk
    dhadhankeedaba may arag.Motion iyo qaylo ayay moodayeen in wadan lagu hogaaminkaro. kkkk
    Bahasha mabay fahansanayn kkkk
    bahashan baashaalka lagu wato ee qosolka ku socota ayay ku baraaugeenk
    Wax aan la ii qorin ayay ahayd.
    Dalmida

  3. Aarka hargaysa says:

    Dadka intaad beenta kadayso dorashadii meel kusheeg mise sidii adeer kaa ayaa xabad lagaaga saraa meesha kk saasay u egtahay

  4. Xaange says:

    Deyn deyn waliba dulsaar leh ku gud si aad mid kale u hesho.Intaa weeye munaafiqiintani waxa ay beryahan ku hadaaqayaan oo inta masaakiinta ah ku sirayaan




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...