Hargeisa : Mulkiilaha Hotelka SKY oo la Xidhay markii uu diiday in Dad lagu Karantiilo Hotelkiisa !

Hargeisa  ( Kalshaale ) Somaliland ayaa dhawaan amar ku bixisay in la karantiilo mudo 14-cisho ah si loo hubiyo in aysan qabin cudurka Caronavirus dad ka yimid Qurbaha oo ay  magaalada Hargeysa keentay Diyaarada Ethiopian Airlines .

Sida aan wararka ku helnay guddiga Somaliland u qaabilsan kahortaga Caabuqa Caronavirus ayey ku adkaatay in ay helaan guryo iyo hotelo ay dejiyaan dadka lagu karantiilay magaalada Hargeysa.

Milkiilaha hotelka Sky iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in ay diideen in Hotelkooda lagu karantiilo dadka ka yimid qurbaha, waxa ayna sheegeen milkiilayaashan in Hotelkooda aysan u rabin dad caafimaadkooda laga shakisan yahay.

Guddiga kahortaga iyo faafida Caronavirus ee Somaliland ayaa la sheegay in ay amar ku bixiyeen in la xidho lamaanahan diiday in Hotelkooda lagu karantiilo dadka dibadda ka yimid .

Guddiga qaabilsan kahortaga Caabuqa Caronavirus ayaa sheegay in la karantiilayo dadka ka yimaada qurbaha , waxaana guddiga la sheegay in ay ku adkaatay in ay helaan hotelo iyo guryo dadka lagu karantiilo.

Dad badan ayaa dhaleecayn ugu jeediyey Xukuumadda Go’aanka ay ku xidhay Maamulaha Hotelka Gaarka loo leeyahay, Waxayna ku tilmaamene ku Tagri fal Awoodeed.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Mahad dirir says:

    Dulkii dowlada e danta guud horaa loo siiyey dadku abtirsada snm hada waxayku haystaan beertii ilma salebaan bide markay dhulkii danta guud dhamaysteen muuse biixi iyo kuwii ka hireeyey ba waxayka fakarayaan maxaan cunaa tuugo baahan




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...