DEG DEG: Kiis Labaad oo CoronaVirus ah oo laga Helay Muqdisho (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa laga helay kiiskii labaad ee cudurka Coronavirus,  Kaasi oo Saamayn Balaadhan ku yeeshay  Guud ahaanba Dalalka Caalamka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka caafimaadka dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus, mawaadin ka yimid dalka Talyaaniga oo maalmo la hayay.

Muwaadinkan oo ka yimid dalka Talyaaniga  oo ah Goobaha uu Saamaynta badan ku yeeshay Cudurkan, Waxaa uu ku jiraa dadka la karantiilay ee ku jira gacanta dowladda federaalka ah,  Waxayna Wasiiradu sheegtay in xaaladdiisa ay hadda degan tahay.

Dawladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay dedaal gelisay Ka hortagaya Caabuqa Korona, oo Hadii ay uu dalka ku Fido ay Adagtahay in wax laga qabto, Marka laga Tusaalle Qaato dalalkii Awooda badnaa halka uu dhigay.

Alle ha inaga Hayo dhammaanteen,  Dalka iyo Dadka Soomaaliyeedna Hareer haka mariyo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Xaange says:

    Hadalkeeda contradiction badan baa ka muuqda inay run sheegayso uma muuqdo.Waxaan u fahmey inay badsanayaan tirada dadka cudurkaas ku dhacay si loogu baryo tago,sidoo kalana ay marmarsiinyo ugu helaan inay dhahaan waxaan baajinay doorasho qof iyo cod ah oo aanu damaxsanayn inaanu qabano anagoo ka taxadarayna inaanu cudurkaasi faafin.Marka dib ayaan u dhigaynaa xiliga dooasgada. Buun buunin farabadan iyo been abuur cudurkaa ku saabsan inay qolyahan inagu wareeriyaan iska fisha maalmaha soo socda




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...