Dawladda Qatar oo War kasoo saartay Deyn Cafinta Soomaaliya

Doha ( Kalshaale ) Dowladda Qatar ayaa  soo dhaweysay go’aanka Dayn-cafinta ee Soomaaliya waxa ayna bogaadisay hanaanka Maaliya ee Xukumada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan Go’aanka ay Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ku gaareen dayn-cafinta Soomaaliya.

Dowladda Qatar waxay sheegtay inuu Go’aankaasi yahay Tallaabo mhiim ah Tubtii ay Somalia ku gaadhi karto Deganaansho iyo Barwaaqo, Waxaana Hambalyo loo diray Dadka Somaliyeed iyo DF Somalia guusha ay ku gaadheen dadaalkooda xooggan.

Dowladda Qatar waxay kaloo sheegtay inay taageero ka geystaan dadaalladda Horumarinta Somalia ee sanadihii la soo dhaafay, isla markaana ay maalgeliyeen Mashaariicda Horumarka iyo Kaabayaasha Asaasiga iyo abuurista Hay’adaha  shaqo-abuurka, Deganaanshaha iyo horumarinta Mustaqbalka

Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar waxaa kaloo lagu xusay in Go’aanka Taariikhiga ee Dayn-cafinta Somalia inay bilow u tahay WaaCusub oo Soomaaliya u Baryey, isla markaana Dowladda Qatar ay sii wadi doonto inay is-garab taagaan dadka Soomaalida ee ka wada shaqeynaya Mustaqbalka Ifiya ee dalkooda.

Dowladda Qatar waxay ka mid tahay Dowladaha taageeradda maaliyadeed la garab taagan Hay’addaha DFS, kana qeyb qaata Hawlaha soo-celinta Nabadda, Deganaanshaha iyo Horumarka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...