Ciidamada Xooga dalka oo Guulo ka gaadhay dagaal ay la galeen Alshabaab

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Xoooga Dalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen ururka Alshabaab, Qeybta 60aad ee ciidamada Xooga ayaa sheegay in jab wayn ay gaarsiiyeen ururka Alshabaab oo ay dagaal kula galeen deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo.

Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidanka ay iska difaaceen weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen, ayna khasaare gaarsiiyeen.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ka war-qabeen weerar ay maleegayeen ururka Alshabaab isla markaan ay ciidamada xooga dalku iska difaaceen, waxa uu sheegay in 2 maleeshiyaadka Alshabaab ay ku dileen weerarkaas.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku soo qaaday deegaanka Daynuunay oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka, waxaana deegaankaas u jiraa Baydhabo qiyaastii illaa 30KM.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...