Wararkii ugu dambeeyay Dhuusamareeb, Kulankii Madaxwayne Qoorqoor iyo Gudiga Caleemosaarka

Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) Magaalada Dhuusamareeb waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Madaxwayne ku xigeenka Cali Daahir Ciid iyo Guddiga u xilsaaran munaasabadda lagu caleemo saarayo.

Waxa ay iska xog wareysteen suurtagalnimada munaasabadda Caleemo-saarka, waxyaabaha u hirgelay guddiga, madaxda ay martiqaadeen iyo cabsida la xidhiidha caabuqa Coronavirus oo lagu baaqay in la joojiyo isu imaatinka Bulshada.

Guddiga ayaa warbixin guud siiyay Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug, waxa ay la wadaageen wadatashiyada ay ka sameeyeen dadka ka qaybgalaya iyo qaabka ay u qorsheeyeen munaasabadda caleemo-saarka.

Xubnaha guddiga waxa ay wararku sheegayan in ay qorsheeyeen qabsoomidda Munaasabadda Caleemo-saarka, iyaga oo marti qaadaya madax kooban siday sheegeen ilo wareedyo kala duwan.

Guddoomiyaha Guddiga Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug Yusuuf Garaad Cumar ayaa safar dhulka ah oo uu kaga tagay Dhuusamareeb ku tagay Koofurta Gaalkacyo.

Yuusuf ayaa degmooyin iyo deegaanno kala duwan uu sii maray kula kulmay dad uu u arko in ay muhiim u yihiin ka qaybgalka Caleemo-Saarka, waxaana xubnahaas kamid ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu ugu tagay hoygiisa Gaalkacyo.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa loo doortay Madaxwaynaha Galmudug  2-dii Febaraayo, waxaana horyaalla wax ka qabashada Caqabadaha kala duwan ee Galmudug horyaalla.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. C/Raxmaan says:

    Waa dhaqan aad iyo aad u xun , in la dhigto madax-shub aka ANNA WAA I KAN ! Lacagta iyo waqtiga ku baxaya waa si xun u isticmaal hanti umadeed . Istus-tuskaas ugu horeeya ayaa waxuu cadeynayaa inuusan
    mudanahu aheynn = Aamin qawi ah , ee uu yahay tuug soo xirtay MAREEG aka tie !

    Al Capone baa yaabay !

  2. Kalsame says:

    C/Raxman

    Xaqiiq, waa caqli daanyeernimo…

    Horta gormuu dhaqankan Shaash-saarku ku soo biiray xil-qabadka Soomaaliya?…




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...