Madaxwayne Qoor Qoor oo Qaaday Tallaabooyin uu ku mideeyay Galmudug [Sawirro]

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  [Qoorqoor] ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb Maanta Martiqaad ugu sameeyay Qaar kamid ah Siyaasiyiinta, Xildhibaano ka tirsan DFS iyo Waxgarad kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa Qaaday Tallaabooyin uu ku Xalinayo Khilaafkii deegaanada Galmudug, Wuxuuna Martiqaad u fidiyey siyaasiyiin markii hore kasoo horjeeday Doorashadiisa oo ay kamid yihiin Xildhibaan Fiqi, Mahad salaad iyo  Kamaal Guutaale oo kamid ahaa Mushariixinta Galmudug, Wuxuuna sidoo kale Maanta Banaanka magaalada ugu sameeyay Martiqaad la isku Xog Waraystay.

“Martiqaad gobeed oo uu nagu soo dhoweeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye duleedka caasimadda Galmudug.

Daawaynta dhacdooyinka siyaasadeed ee la soo dhaafay waxay aasaas adag u noqonayaan dhismaha Mustaqbal iyo horumar loo aayi karo.

 Haddii reer Galmudug ad-adayga iyo tafaraaruqa astaan looga dhigay, waxaa u bilowday waa cusub oo tanaasul iyo wadajir summad u yahay. “ Ayuu yidhi Xildhibaan Fiqi oo ka hadlay Kulanka iyo soo dhowaynta ay kala kulmeen Madaxwayne Qoor-Qoor.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Jabhad says:

    Reer qoor qoor waa in la aqonsada galmudug waxay u bahan tahay nabad iyo hotumar

  2. Baarqab says:

    Galmudug waa lagu kala baxay ama waa lagu kala adkaaday but who is next?

  3. Baarqab says:

    Galmudug waa lagu kala baxay ama waa lagu kala adkaaday.but who is next?




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...