Xildhibaan C.xakiin Macalim “Galmudug waa deegaan uu HUB iyo Gaadiid badan yaalo..”

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo katirsan Golaha Shacabka BFS ayaa ka hadlay Geeddi socodka ee dhismaha Galmudug iyo Heerarkii kala duwanaa ee uu soo Maray si looga gungaadho dhismaha Galmudug ay ku mideysan yihiin Bulshada Soomaaliyeed ee deegaanada Galgaduud iyo Mudug.

Wuxuu Shacabka  Galmudug waxa uu ugu baaqay in ay ka faaiideystaan fursadda wanaagsan ee hortaal, maadaama khilaafaadka iyo caqabadaha ku hor gudboonaa dhismaha Dowlad Goboleedka laga gudbay sida uu hadalka u dhigay.

“Galmudug waa deegaan hub iyo gaadiid badan uu yaallo, dadkiisu heshiis dhameystiran kama gaadhin dhismaha Maamul ay ku mideysan yihiin si ay wax isugu darsadaan, duruufta dhaqaale oo intaa u dheereed waxa ay sababtay in uusan shaqeyn Maamulka“ .

Xildhibaanka oo soo sii hadlay waxa uu sheegay in dhammaan marxaladihii kala duwanaa ee soo wajahay Dowlad Goboleedka Galmudug aysan kahor istaagin xulista Xildhibaanada BFS si lamid ah Maamul Goboleedyada kalena lagu soo xulay.

Isbadalka jira waxa uu ku sifeeyay horumar loosoo dhabar adeegay, maadaama Madaxda sare ee Galmudug loo mideysan yahay, isaga oo sheegay in arrintaan oo lagu daray xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya DFS uu u horseedi karo in uu miro dharo Maamulka.

Waxa uu soo jeediyay Xildhibaan Cabdixakiin Macalin in aan la carqaladeyn Maamulka Curdinka ah ee Galmudug, taa badalkeeda lala shaqeeyo madaxda cusub lagu gacansiiyo sidii ay waxqabad wanaagsan u tiigsan lahaayeen.

“Marxaladda cusub ee ah Galmudug isla socoto oo inta badan dadku wada taageersan yihiin waa horumar la gaaray, haddii maamulka uusan ku tiirsaneen Dowladda dhexe ama Beesha Caalamka ma dhaqaaqi karo, waxaana aaminsanahay in dadka ay ugu faaiideeyaan fursadda wanaagsan ee Dowladaha akteeda yaalla” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed.

Maamulka Galmudug ee uu hoggaaminayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxa uu wajahay culeysyo siyaasadeed, waxa uu horay u ballanqaaday Madaxweynaha in ka shaqeynayo sidii maamulkiisa u noqon lahaa mid ay ku mideysan yihiin dhammaan reer Galmudug.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Soomaali jecel says:

    Xildhibaan Alle ha ku dhowro, sida weligaa wax ugu sheeg Ummadda wareertay muddada dheer. Una sheeg wax mucaaraddka oo hadda markay hungoobeen u diga rotay xagga iyo Xamar, iyo sheekh shariif agtiisa bal in ay ayaamo wax u wadwadaan.




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...