Xaalada dalka Talyaaniga ee Faraha ka baxday iyo Wararkii u dambeeyay Cudurka Dilaaga ah

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Talyaaniga ayaa soo sheegay  602 dhimasho oo cusub oo  coronavirus sababsaday Isniintii, iyada oo guud ahaan kiisaska dalkaasi ay yihiin kuwa kor u 63,928 oo kiis.

Tirada dhimashada ee la soo sheegay dalkaasi ayaa hoos u dhacday maalin labaad oo isku xigta, ka dib markii Sabtidii ay gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo markii uu cudurka dillaacay inkaste oo uu ku biloowday 793 kiis oo hal mar ah.

Boqortooyada Ingiriiska, tirada dadka u dhintay cudurka, COVID-19, ayaa korortay 54, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee dadka u dhintay Caabuqa 335 ka mid ah 6,650 kiis oo laga helay dalkaasi.

Dhanka kale, gudaha Mareykanka, tirada kiisasku waxay kor u dhaaftay 35,000, iyadoo dhimashada ay gaareyso 495, sida lagu sheegay xogta jaamacadda John Hopkins ee dalkaasi.

In kabadan 15,400 oo qof ayaa u dhintey COVID-19, aduunka oo dhan. Qiyaastii 100,000 oo ka mid ah 362,000 ee qof ee laga helay cudurka adduunka oo dhan ayaa ka soo kabsaday, sida lagu sheegay xog ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka digay “in Xanuunku sii kordhayo” iyada oo 67 maalmood kiisku ku gaaray 100,000,halka 11 maalmood xanuuku ku haleelay 200,000 iyadoona afarii maalmood ee ugu dambeysay la diiwaangaliyay 300,000.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...