XAAF oo lagu Qancinayo Taageerada Madaxwayne QoorQoor iyo Yuusuf Garaad oo la kulmay

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa la filayaa in lagu qabto caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye , Balse Waxaa dhowaan dib loogu dhigay Sanabo la xidhiidha Caabuqa Saamaynta wayn ku yeeshay dalalka Caalamka, ee Caronavirus.

Waxaa socda dedaalo lagu doonayo sidii loogu qancin lahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf in uu kasoo qeyb galo Madasha Caleemosaarka, Islamarkaana uu taageero  Madaxwaynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha Galmudug Yuusuf Garaad Cumar ayaa Magaalada Gaalkacyo kula kulmey Madaxweynihii hore ee Galmudug , Waxayna ka wada hadleen dhacdooyinkii horey uga dhacay Galmudug, kuwa weli taagan ee xalka u baahan iyo Arrimo badan oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Mustaqbalka Galmudug.

“Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka” ayuu yidhi Yuusuf Garaad.

Garaad ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu kaalin muuqata kula lahaa Dhismaha Galmudug,sidaas darteed ay muhiim tahay in lagu qadariyo wax qabadkiisa muuqda.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeeka Galmudug oo maalmahaan ku guda jira qaban qaabinta Xaflada Caleema-Saarka,kadib markii dib loo dhigey,waxaana uu socdaalo kala duwan uu ku mareyay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug, Wuxuuna booqday degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Matabaan, Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo .

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. gaafaw says:

    beelweynt sacad ogaadeen waa in sifiican looqanciyo hadii waxba kamasoconayaan galmudug

  2. Dabshid says:

    Tanaasuleyaashii ahaa, waliba waxey ka tanaasuli waa CADKOODII ee maahan CAD HARGEYSA LAGA LEEYAHEY

    Ragna 3 sano ayey DUDUMAHA Garowe u saaranyahiin CAD XAMAR LAGA LEEYAHEY.

    Hadduu aabahaa tanaasulijirey adna waxaad ku qasbantahey inaad tanaasusho

    * AQLI LABO GAAWEETO KAMA JIDHO GALMUDUG

  3. Dabshid says:

    gaafaw

    awoowgaa la shidye ma naga hubtaa sacad saciid

  4. Adam says:

    Dadka umada kala fogeyna qabyalad iyo tafaraq magacyo xun la baxaya dunuubta iska illaliya kufarxa walal heshiiyey

  5. Jabhad says:

    BADaR iyo beeso ma waxay bilaben inay dhahan

    Sheikh sharif baa ka weraray

  6. Jabhad says:

    waa so dhowaynaya midnimada beeso iyo badar

  7. Barwaaqo says:

    Aar bal iska warama?




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...