Weeraro ay Qorshaynayeen Alshabaab oo la Fashiliyey iyo Wararkii ugu dambeeyay

Baydhabo ( Kalshaale ) Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa inay ka hortageen weeraro ay dgaalyahannada Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka geystaan qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka war hayeen xogta weeraradaasi, islamarkaana inta aan la fulin ay fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dagaalyahannada Al-Shabaab ay doonayeen in weeraradaasi ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah,

Janaraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sidoo kale intaasi ku daray in lala damacsanaa weeraradaan deegaanada Buur-Eyle, Walag iyo Xawaal Barbaar.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ay sare u qaadeen dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...