MUUQAAL: Faysal Waraabe oo ku baaqay in la joojiyo Itoobiya Airline iyo Arimaha uu ka hadlay [Daawo]

Hargeisa ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa ku baaqay in la Joojiyo Duulimaadka Shirkadda Itoobiyan Airlines, Lana Xidho Xadka itoobiya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal ayaa sheegay in Somaliland aysan Awood u lahayn inay Xakamayso ama wax ka Qabato Caabuqa Corona, Balse laga doonayo dedaal, Wuxuuna xusay in dhibaatada ka dhalan karta Qaadka iyo Duulimaad ka yimaada dhinaca Itoobiya.

“Waa Cudur Xun oo aad moodo, Yowmol Qiyaamihii oo Ifka la inoogu keenay,  ALle ha inaga  Qabto, Dhinaca Caafimaadku waa meelaha aynu ugu Liidano, Waa Hay’adaha aan Koron 30-Sanno oo Baylah  ah,  Cudurkaas waad aragtaa kuwii awooda sheegtay halka uu gaadhsiiyey, Laakiin dedaal ayaa la inaga rabaa”

“Maanta Aafooyinka inooga imaanaya ee Qaadka iyo Xashiishadu ay kamid yihiin,  haduu kan inoogu darsamo, Waa Hooga reer Somaliland alle ha inaga Xijaabee “ Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Ali Zubeer says:

    Faysal Dhurwaa waa nin jecel inuu warbaahinta ka muuqdo hadh iyo habeen.

    Qaadka iyo xashiishka uu sheegahayo marka safmarka tago malaha wuu oggol yahay inuu Hawadaay Itoobiya ka keeno oo lagu halaago gobollada woqooyi maadaama wiilka Addis Ababa uga dhow yahay Iidoorka siduu sheegay midka Muqdisho ku dhashay.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  2. Somali jecel says:

    Faysal Ina Ali waraabe intii aan maqlaayey hadaladiisa waa markii ugu horaysay oo malaha caqliga caafimaadka qabaa ku soo maaxay.
    Waa runtii Soomaalind iyo Soomaali kale toona awood uma laha ay ku maareeyn karaan cudurkan Eebbe uu naga badbaadiya mooyee.

    Qaadka waa hoyga iyo isu gudbinta ugu fudud ee ay Soomaaliya ku rogmaneyso. Dowladihii ugu quwada iyo Tamara ku faani jiray baa maanta albaabadii kala xidhan oo aan Dalna Dal kale u gudbay xag Cir iyo xag dhultooba, hadana uuna galay madaxdoodii.
    Soomaali waa in caqliga shaqeeyo, Alle Weynaye ha inaga hayee Ummaddiisana ha ka dul qaadee haduu soo galo Soomaalia xaalku sidaa ahaan maaye hala iska xakameeyo in goori goor tahay.




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...