Muqdisho : Nin Sheegay in Walaalkii ay Dishay Hay’adda NISA , Hadana uu Cadaalad waayey [Muuqaal]

Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdikariim Yuusuf Nuur oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu yahay Muwaadin Soomaaliyeed oo dulman, Wuxuuna sheegay in Walaalkii  ay horay u dishay Hay’adda NISA, Balse uu Cadaalad waayey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa walaalkay oo ahaa Wiilkayga oo kale dishay Hay’adda Nabad sugida ee NISA,  Wuxuu dhaawacmay 18-05-2015,  Wuxuuna Geeriyooday 25-05-2015,    Waxaan tagay Xiligaasi Xarunta CID-da,   Waxayna Warbixinteeda ku cadaysay sida wax u dhaceen, Sidoo kalena  Hay’adda NISA ayaa sheegtay inay bixin doonto Diyada/Magta.

“Wakhtigaas waxaa joogay  Cabdullaahi Gaafow maxamuud, Wuxuu igu yidhi isug Doorasho ayaa soo dhow ,  Xukuumaddu way is badashaa Xiligaa waxaa joogay Xasan sheikh, Laakiin Hay’adaha Dawladdu isma badalaan”.

“Anigu Muwaadin soomaali ah SHarcigu wuu i qabanayaa, Laakiin Hay’adihii Dawladdu hadii ay dhib gaysteen oo Xukun lagu riday, Maxaa imaanaya ?  Xagee u Raadsadaa fulin, Nin sharciga ka wayn ma Jiro”.

Sharciga ilaalintiisa waxaa iska leh Madaxwayne Farmaajo,   Waxaan ka codsanayaa inuu Arintaan dib u fiiriyo”. Ayuu yidhi oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Si kastaba ma Cada Qaabka uu dilku dhacay iyo Sababta loo dilay Walaalkii, Balse wuxuu sheegay inuu Haysto Cadaymo buuxa oo la xidhiidha dilka walaalkii ee Hay’adda NISA uu ku eedeeyay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...