Maxaa ka Jira in Guriga Sheikh Shariif Ciidamo la dul geeyay ? Hadalkii FIQI iyo Jawaabta Xukuumadda

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa soo baxay Warar sheegaya in Ciidamo la dul geeyay Guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed,  Waxaana sidoo kale Warkaasi oo aan la Xaqiijin meel Rasmiya oo laga soo xigtay Shacabka la wadaagay Qaarkamid ah Siyaasiyiinta Mucaaridka ah.

Xildhibaan Axmed Macalim FIQI oo Arintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxwaynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo habeenadaan danbe ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ay daandaansiga agagaarka gurigisa ku samaynayeen ma waxaa gashay doorashadii 2020/2021 mise hawlgalkii muddo kororsigii maxaxweyne Farmaajo raadinayey ayaa laga baadigoobayaa oo ku dhuuntay?

Midday ahaataba ma ahan tallaabo wanaagsan ama dhaqan dawladnimo, waxaan kula talinayaa madaxweyne Farmaajo In uu joojiyo daandaansiga iyo abuurista xaalad dagaal oo aan hadda taagnayn oo caaqibadeeda danbe aan la mahdin doonin!” Ayuu yidhi FIQI.

Dhinaca kale Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Wararka Suuqa la geliyey oo Dhibaatada iyo Colaada ka Abuuri kara magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin Arintaasi.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo la dul dhigay hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa inay wararkaasi yihiin been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur.

Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro”ayuu yidhi Wasiir Ducaale.

Jawaabta Dawladdu waxay meesha ka saaraysaa   eedayntii  iyo Wararkii ay Faafiyeen Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Xukuumadda Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Mr BaHaL says:

    Mayee,waxaa ciidanka lagu soo tababaray Kenya kkk

    Waa Mooryaan dadkooda dabka saara,oo cunayay 91-kii ilaa uu Cabdulaahi Yusuf ugu ymid oo cagta mariyay.

    Awal Ethopiya ayay dadka ku wareerin jireen,haatan Areteeriya kkkkk

    Markaad eegto dadkani waxaabad is-odhnaysaa – waar ninkaasi wax badan ayuu ogaa.

    Dalmida

  2. Somali galbeed says:

    Mr bahal

    Kumaad quusan SADEX madaxmeyne oo jifidooda shiranaya oo ka kaca leh caalamka meel ay dunida waxaasi ka dhacaan ma maqal, cidii naga xog ogaalsani hanoo sheegto..

  3. Mr BaHaL says:

    Galbeed

    Dhaqanka ayaa ka wayn madxnimada ay Mareen.
    Qooyska,ayay ka soo bilaabantaa bahashu.
    Degaanka ayay zoo martaa.
    Maxaa Layska qaadaakkkkk

    Madaxa aa fujihaakkk

    Dalmida

  4. Soomali jecel says:

    Ninkan waxaa lagu sheegaa in uu yahay xildhibaan waase xildhibe ay dhibaataynayso Doller-ka xad dhaafka ah ee uu ku qaato bil walba booskaas.
    Waa Nin si xad gudub ah u dhibaataynaaya Madaxda ugu sareysa dalka oo uu u arko Laf-dhuun gashay uuna liqi la yahay, iyadoo ay ka dhaadhi la dahay wax qabadka xawliga u socda iyo is qabqabsi la’aanta Madaxweyne iyo Ra’sa Wasaare wada jira 3 sanno . Waa xaasidnimo beenlow isku dir ka dhistay shaqadiisii loo idmaday.

  5. Ali Zubeer says:

    Daanyeerimada Axmad Fiqi waxaan ka baqahayaa inay galaafato noloshiisa.

    Waar daanyeertan kala ah Fiqi, mahad salaad iyo CC shakuur may ku daydaan daanyeerkooda ka wayn ee Cumar Cabdirashiid ee ay u shaqeeyaan…mase waxaan idhaahdaa hoosta wax ka wata.

    Ilaa goormaa ayay wadai karaan dhirqaan dhabashadan.

    Waxaad moodda inay dowladda u shaqeeyaan. Waayo caqli xumidooda waxay credibility ama macna u yeelaysaa Villa Somalia madaxdeeda iyo wasiiradeeda.

    Tolow berri maxay la shir tegi doonaan

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  6. Garqaad says:

    Arintaan anigu waxaan u fahmay arin layskaga horkenaayo madaxda somaliyeed.

    Madaxeyne shariic iyo madaxweyne xasan sheekh.

    Xishmad iyo karaamo ayey ka mudan yihiin shacabka somaliyeed. Doqonna loo sheegimaayo.

    Maaha waxa dhici karo ciidanka dowladdu in ay dhibaato u gaystaan madaxdii xuriyo somaal.

  7. Baarqab says:

    Waa wuxuush wuxu ee madaxweynayaal maaha sababtoo dhaqankoodaad ka garansysaa inay mooryaan tihiin.yey fawqul tey

  8. Kalsame says:

    Dagaalkan uu maalin walba iclaamiyo ninkani ma ka dhabbaa mise waa ka boolo-xoofto?.

    Xildhibaannadu miyayna dawladda ka tirsanayn horta, sharci qabtaase ma jiraa?…




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...