Wararkii ugu dambeeyay Xildhibaan Lagu dilay Gaalkacyo iyo Puntland oo ka hadashay

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay dilka Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) kawada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Xildhibaankan oo katirsanaa Golaha Deegaanka Magaalada Gaalkacyo, ayaa Xalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo .

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay dilka xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle), ayaa sheegay in marxuumka uu sidoo kale ahaa ganacsade, islamarkaana ay dishay gacan ka xaq-daran, Wuxuuna sheegay inay Ciidamadu wadaan Baadhitaan.

“Mukhtaar waxa uu ahaa Xildhibaan, sidoo kale waa Ganacsade, waxaa dishay Gacan ka xaq daran, waxaana dilkiisa ka dambeeyo dad caadeystay beegsiga dadka Bulshada wax u qabta, balse Ciidamada ammaanka ayaa ku daba-joogo oo aan ka quusan doonin soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha” ayuu yidhi  guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid liitay, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan, Waxaana la sheegay in Ragga dilka geystay ee hadda la raadinayo ay dhaawaceen askari ka tirsanaa ciidanka ammaanka ee maamulka Puntland.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...