DEG DEG MUUQAAL: Safaarada Somalia ee Turkiga oo Shaqadii Joojisay iyo Fariin loo diray Soomaalida “Saamaynta Corona”

Ankara ( Kalshaale )  Waxaa la Joojiyey Howlihii shaqo ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu u Qaban Jirtay  Shacabka Soomaaliyeed  [24-ka Bisha Maarso,  ilaa  05-ta Bisha April ], Sababo la Xidhiidha ka hortaga Caabuqa CoronaVirus oo Saamayn balaadhan ku yeeshay dalalka Caalamka,  Iyadoona dalka Turkiga laga helay Kiisas kor u dhaafaya 1000-Ruux, Islamarkaana ay Jiraan dad u geeriyooday Xanuunkaasi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga  Danjire Jaamac Cabdullaahi [Caydiid] ayaa sheegay in  la Hakiyey Shaqooyinkii ay Safaaradda Soomaaliya u Qaban jirtay Shacabka Soomaaliyeed,  Iyadoo Muhiimada Koobaad la siinayo Badqabka shacabka Soomaaliyeed, Lana Tixgelinayo  Tallooyinka dhinaca Caafimaadka ee Dawladda  Turkiga.

Danjire  Caydiid ayaa xusay inay dadka Soomaaliyeed ee u baahan Adeegyadda  degdeg ah, ee aan laga Maarmi Karin Wakhtiga la hakiyey Howlihii shaqo ee saafaradda ay  Tixgelin doonaan Codsigooda, Islamarkaana ay diyaariyeen goobo ay kala soo Xidhiidhaan Howl-Wadeenadda Safaaradda.

Dhinaca  kale Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga ugu baaqay inay ku Qaataan Tallooyinka Caafimaad  ee Dawladda Turkigu ay  siisay, Islamarkaana ay ku Negaadaan/Joogaan Guryahooda,  hadii aysan jirin Howl aysan ka maarmi Karin.

“Waxaan kula talinayaa Bulshada Soomaaliyeed ee degan dalka Turkiga Inay u hogaamsamaan Tallooyinka Caafimaadka ee loosoo Jeedinayo,   Aniga hada Guriga ayaan joogaa oo Fariintan kasoo dirayaa,  Dhammaan dadka Soomaaliyeed waa inay Taxadar weyn muujiyaan, oo aan loo Arkin dad aan dhegaysanayn  Waanooyinka iyo Tallooyinka kasoo baxaya Xukuumadda Turkiga”. Ayuu yidhi Danjire Caydiid.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...