Daawo: Mowqifka DFS ee Xiisada Masar iyo Itoobiya iyo Wasiir Cawad oo Bixiyey Waraysi Xiiso badan

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Magaaladda Garoowe ayaa Waraysi Xiiso badan oo uu bixiyey uga hadlay  Xaalada dalka iyo Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Cawad ayaa ugu horayn sheegay inaysan Jirin Shaqo gaar ah oo Puntland uu ugu Maqan yahay, Balse uu Malato dadka Soomaaliyeed oo Puntland Qayb ka tahay,  Wixii wanaagsan ee Soomaaliya usoo kordhana ay tahay wax dadka Puntland usoo kordhay.

Wuxuu ka hadlay  Siyaasadda Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad,  iyo Sida ay ku Maareeyaan Siyaasadda Arimaha dibadda iyo Xidhiidhka kala duwan ee ay la leeyihiin dalalkaasi, Wuxuuna xusay inay tahay  mid ku Jihaysan Danta Qaranka, Deganaansho iyo Wax wada Qabsi.

Dhinaca kale Wasiir Cawad ayaa ka hadlay   Mowqifka DF Soomaaliya eek u aadan Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya, Wuxuuna sheegay inay Soomaaliya arintaasi ka tahay Dhexdhexaad.

 “Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile Soomaaliya waxay ka taagan tahay dhex dhexaad, haddii loo baahdo Soomaaliya waxay ka gacan geysaneysaa xalka khilaafkaas loo heli lahaa, iyo isu soo dhowaanshaha, kaalinteeda waxa weeye dhex dhexaadnimo iyo suurta gelin in khilaafkaas soo afjarmo”ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Wasiir Cawad Waxaa waraysigan la yeeshay Wariye Khadar Cawl Ismaaciil.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 25)

  1. Dabshid says:

    Soomaaliya waxey ka mid tahey ururka Jaamacadda Carabta, Jubuuti Republic iyo Somalia Republic waxey wax ka qaateen go’aanka ah ” Haddey Ethiopia isku deydo iney xiraan ama xayiraan Biyaha Alle nasiiyey – in si wadajir ah isku meel looga soo wada jeesto.

    Ninkii Kaboqaad u boqon Axmaarka asagey jirtaa, lkn Shacabka labada dal ee Soomaalidaa waxey waafaqsanyahiin Wadajirka dalalka Muslumkaa.

    – Free-flowing rivers will never be negotiated by Ethiooia.

  2. Laalays says:

    Sankaa Abiy ka tolay. Kkk

  3. Maxamud says:

    Laaleys oo yaan aby sanka uga tolneyn isaaq miyaa kabaxsadey sankatolida?

  4. Kalsame says:

    Swizerland-ta geeska Afrika ayaan nahay, dhex dhexaad… Wixii is baacsanaya maxaa naga galay… Hawraarsan…

  5. Kalsame says:

    Kalshaale
    Lop markuu dacda ii jiitay iyo dhiiqada hadalkaygii waad masaxdeen kiisiina waad dhaafteen… Maxaa si ah….

    Ma jecli inaan waxyaabahaa hoose ka hadlo lkn mar mar baa lagugu kallifayaa oo lagugu dirqinayaa…

    Rag baa dood kasta reer gaar ah ku suugaysta si ay ugu gadanto dulucdoodu, rag baan waxba xeerin iyana doonaya in aan loo juuqin… Qaar baa cay iyo aflagaaddo butaaca ah beela gaar ah la daba taagan 24/7 mana masaxdaan…

    Hagaag iyo hawraarsan, waxaan u fahmay ha la qaadin oo ka roonoow…

  6. Laalays says:

    Kalsame

    Seedi, aad bay u fiicantahay inaad mawqif cad qaadato.

    Maxaa keenay laakiin in Safiirka idiin fadhiya Jaamacada carabta uu cod qaadkii Masar ku taageero? Markii Abiy Axmed Khayri u yeerayna dhexdhexaad u noqoteen?kkk
    Waxaan Xasuustaa bilo ka hor in safiirka Geneve idiin fadhiyaa in cod loo qaadayay Israel & Falastiin si toosa u taageeray Israel. Hadana aad mar danbe hadal kale ka soo saarteen!

    Mawqif qaadasho waa raganimo, laakiin labac labacda iyo liiq liiqashada looga fiican nin raga.kkk

  7. Kalsame says:

    Laalays

    Anigu dadka qaba baan ku jiraa in Jaamacadda carabta lagaba baxo waayo dhib mooye dheef kuma qabno…

    Masar ma aha tii hore, Etoobiyana ma aha tii hore, labadoodaba waxaa u master ah USA, marka iima muuqato inaan dhex galno mooyee sabab aan midkood ula jirsanno…

    Jaamacadda carabta cod kuma lihin, waa un magac u yaal safiirka noo fadhiya, wax aan diidnay diidi mayaan, waxaan rabnanan yeeli mayaan, go`aammadoodu iyakay u yaallaan, annagu inta aan ama ka baxayno ama xubin frifircoon ka noqonayno aammuskaan ugu dadaalaynaa…

  8. Laalays says:

    Kalsame

    Hoosta ka daalaco, dalka qudha ee diiday inuu taageero Masar waa Sudan. Inta kale ee ku jirta Jaamacada Carabta Masar bay taageereen.

    https://www.ena.et/en/?p=13056

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Laalays says:

    Qoraalkan waa wasiirka oo fashiliyay laba wajiila-nimada DVW.

    “Disclosing that Ethiopia asked for an explanation from Djibouti and Somalia regarding their stance on the League’s position, Gedu explained, these countries, despite their involvement in the passing of the resolution condemning Ethiopia, they do not believe that the resolution would play a positive role in bringing about peace to the region.”

    https://www.thereporterethiopia.com/article/gedu-slams-us-over-gerd-mediation

  10. Land of Punt says:

    Dabshid
    Ma fahamtay in Reer Qurac,,free flowing rivers dhexda u fadhiyaan in Somalinimo ka marto mooyee Afgooye Moos beeran karin Xamar laga cuno.
    Hadda ayaa aqligii kugu soo noqday.
    Laakiin mid ku seexo xoogaa Oroma ah oo Harar iyo Dirirdhaba dega mooyee cidkale mableexsan karto biyaha Shebeele iyo Jubba rivers..run
    Ayagana Somalinimo lagu wada xaajoon karaa, hadday Somali walaalo noqo, no worry…..kkkkkkk😜
    Reer Qurac bariiska kuu hayaan….kkkkkkkkkkkk😬

  11. Laalays says:

    Kalsame

    Ra,yigaa ma kula qabtaa DVW? Hadii jawaabtaadu haa tahay maxay farta ugu taageen Masar?

    3 casho ka dibna Dhexdhexaad u noqdeen?

  12. Land of Punt says:

    Kalsame
    Isdeji, ma kuugu dhaartaa Websitekaan waxaa qora niman Bahararsame ah Dhulbahante, waanan hubaa Majeerteen ka jecelyihiin Mareexaan waxaana haddaad aqli leeday kugu filan, waxa ka qoraan Puntland iyo N&N.
    Iska hubi mailkaaga iyo magaca ku gasho, hadii eray ka qaldan yahay computerka ku tuuraya ayagoo jooginba golaha.
    Intay warka na dhexdhigaan suuqooda galaan, xayeysiiska ka qaataan lacagta meesha.
    Waxba Dhuloos baa iga eexday ka ku rafan…..kkkkkk
    Agoontii Kacaanka ayaa is haysta caawa…kkkkkkkkk🖐

  13. Land of Ount says:

    Kalsame
    Sxb yaan kalsoonida kaa lumin, walaan Dhuloos aduunyo gudoon mooyee Majeerteen kaaga eexanayn….run
    Wax hubso.
    Mareexaan Kablalax is aqoon cuqdad ka qabtaan.
    Kkkkkkkkkkk
    Allow Somali qabiilka ka saar.

  14. Land of Punt says:

    Kalsame
    Sxb yaan kalsoonida kaa lumin, walaan Dhuloos aduunyo gudoon mooyee Majeerteen kaaga eexanayn….run
    Wax hubso.
    Mareexaan Kablalax is aqoon cuqdad ka qabtaan.
    Kkkkkkkkkkk
    Allow Somali qabiilka ka saar.

  15. Land of Punt says:

    Laalays
    Seedi maxaad ka wadaa? Kkkkk
    Ma naag Marexaan ah ayaa sariirta kuu jiifta??, hadday run tahay, daanyeer baa tahay…….kkkkkkk
    Dhulbahantaa ku dhalay,mMareexaana waad qabtaa….hadda xageed la jirtaa, mise waxa rabto noo qortaa?😅

  16. Land of Punt says:

    Kalsame
    Sxb Ina adeer, dhul kuguma jiidin, meesha Kalshaale waa lagu boolo xoofteeyaa, waa internet fadhi ku dirir…..berina meesha looga tago.
    Meel dheer lama kala jiro Somali.
    Walaan LOP haduu Mareexaan waayo iyo Somali kale aniga meel gaarayn.
    Taas yey kaa hoos bixin….run
    Cafis Marooley🖐

    • Sargaalka says:

      Kkkk. Annagu dhex-dhexaad baan nahay, waa hada markii loo yeeray ee layiri warkiina cadeeya.

      Waxaa ii muuqda isku dhex-yaac siyaasadeed.

  17. Sargaalka says:

    Sumcad darada ay dadka u soo jiideen baaba iigu saaran.

    Ayax tag eelna reeb.
    Koleey kuwan waa tagayaan waxaysa ka tagayaan wax badan oo qaldan

  18. Sargaalka says:

    Saaran= daran.

  19. Mr BaHaL says:

    Itaalku marba meel ha jooogee,Masar waxay waligeed abaabulaysay dagaal dhexmara Ethopiya iyo somaliya,tii oo ilaashanaysa Biyaha Wabiga Nile.

    Qarnigii 13-naad waxaa xawli ku socday dagaal u dhexeeya Abaysinyanka iyo Somalida,gaar ahaan Dawladdii Ifaat ee somaliyeed.

    Dagaalaasi waxay hakadeen,1330-kii.
    Hogaamiayaha waxtigaasi ee Amxaarka waxaa la odhanjira,Amda Siyuun,wuxuuna ahaa ninka loogu yeedho”Aaabbaha”Abysiniya,waaana ninka aakhrikii ka guulaysatay dawladii Ifaat ee somaliyeed.Waxa kale oo ninkaasi loogu yeedhaa ninkii hanka galiyay ee baray Axmaarka in somalida layska celinkaro,oo iyaga laysku dirikaro.Waana ninka laga dhaxlay ee ay Amxaarku ka dhaxleen sida somalida layskaga horkeeno iyo qaabka qabiilada somalida loo kala isticmaalo.

    Maamullkii wakhtigaasi ka dhisnaa Dalka Masar,waxay warqad u soo direen,Amda Siyuun.

    waxay yidhaahdeen:”Waxaan ka warqabnaa inaad leex-leexisay Biyaha wabiga oo aad si qaldan u isticmaashay.hadaad arintaasi joojinwaydo,waxaan kugu soo abaabullaynaa dagaal kaaga yimaada Zeylac,Ifaat Sultanate oo uu hogaaminayo Sheikh Isxaaq Axmed,
    Jooji hawsha aad ku jirto,hadaanad rabin inaan kugu soo hubayno Muslimiinta Reer Ifaat oo cagta ku marindoona.”

    Masar,ilaa wakhtigaasi waxay noo isticmaalaysay danaheeda,iyada oo rabta in aan u ilaalino danaheeda oo iska iloowno danaheena.

    Waxba nagagama jiraa waxa ay isku hayaan.haday noqoto cid aan garabsiino,waxaan garab siinaynaa Maamulka Oromada oo wanaag inaga dhexeeyo.Waa inaan Oromada ku ilaalinaa maamulka Ethopiya si aanay mar dambe ugu soo noqonin hogaanka Ethopiya Amxaarkii iyi Tegreegii cadowga u ahaa somalida.

    Ethopiya waa inaan ka dhigaan meel ay Oromada iyo somalidu iska maamushaan.Haa,waan karaynaa.

    Masar,maxaa naga kusheeya?

    Waxan soo celinayaa Kushite Empire.

    Dalmida

  20. ahmed Somali says:

    ASC.
    SIDAY ILA TAHAY Sheekh Sheeriif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamud WAXAY rabaan IN Dalka uu ka qarxo Dagaal ahliya AYYAGOO iska dhaadhiciyyay INAY sidaa Xukunka ugu soo noqonkaraan. ≈©≈WAAN garakara inuu Xasan Sheek WAX KASTO u suubikaro si uu Xukunka ugu soo laabto LAAKIIN Sheekh Shariif waxaan lahaa DIINTAA xakamaynaysa TAANE ma dhicin. ≈©≈BAL aan cilladaha aragtidooda Baandhayno.≈©≈MARKA hore ciidanka ay isku hallaynaan WAA Beesha Abgaal SAA cid kale oo wehlisa lama arke!!! TAN 2labaad siyaasiinta Murqo kuusta ee Beesha Badidood way ka soo horjeedaan Aragtida Xasan iyo Shiikha ≈©≈HADANA aan ka soo qaadno INAY aragtidoodu Gulaysato KURSIGU 2ba ruux ma qaadee Saadaashayda Shariifku MAQAN. ≈©≈HADDABA, markay doonaan inay xiisa kiciyaan WAXAA billaaba Shariifka Xasana wuxuu leeyahay xiritaanka iyo HAR-HARDHINTA. WBT.

  21. farxiyo says:

    Kuwii kalshaale qori jirey ma coranavirus baa laayey,waan arkayey markey tirtireen commentiyadeydii iney qandho hayso.

  22. sOmalilander says:

    Hello…war kalshaale maxaa ku dhacay ayaamahan…ma nabar & naxdin baa gunadii yarayd ka goosatay?!

    😂😂😂




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...