Ciidamada Kumaandoosta Danab oo Howlgal ka fuliyey deegaanada Jubbaland

Muqdisho ( Kalshaale ) Taliyaha Ururka 5-aad ee Ciidamada Danab Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) oo warbaahinta la hadlay waxa uu faah-faahin ka bixiyay howlgal ciidamada ay ka sameeyeen deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Ciraaqi waxa uu sheegay in Ciidamada Danab howlgal qorsheysan ay ku burburiyeen Saddex Saldhig Al-Shabaab ay leeyihiin, isla markaana Ciidamada ay ku sugan yihiin goobahaas.

Taliyaha Ururka 5-aad waxa uu sheegay in tagaan deegaanka lagu magacaabo Lagta Caanoole oo Magaalada Kismaayo u jirta qiyaastii 170 KM, una dhaw Jasiiradda Madhawo ee Gobolka Jubada Hoose.

“Bartilaameedka Howlgalka waxa uu ahaa Lagta-Caanoole oo ay ku sugan yihiin Soomaali iyo Ajaaniib ka barbar dagaalanta Al-Shabaab, waa goob ay ku dhuuntaan marka ay ku jabaan dagaalada, inaga oo heysano xog nagu filan ayaan ku dhaqaaqnay howlgalkaas” ayuu yidhi Taliye Ciraaq.

Waa uu sii hadlay waxa uuna “Howgalka waxaa laga gaaray muhiimadii laga lahaa, waxa aan kor kala soconay dhaq-dhaqaaqyadooda iyo gaadiid ay wateen, waxaana la burburiyay labo gaari oo kala ah Toyotoa Succeed iyo Suzuki oo ay saarnaayeen madax katirsan Al-Shabaab”.

Taliyaha Ururka 5-aad ee Ciidamada Danab Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) ayaa dhanka kale sheegay in howlgal kale oo ay ka fuliyeen Buulo Xaaji in ay ku burburiyeen saldhig kale oo ay ku leeyihiin Al-Shabaab.

Fulinta howlgalkaan waxaa uu tilmaamay in ay gacan ka siiyeen dowladaha caalamiga, waxaana uu shaaciyay in Ciidamada Danab ay ku dul daateen Saldhigyada ay ku sugnaayeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Dabshid says:

    Xukuumaddii Shuuciga kahor, shacanka Soomaaliyeed shaki kama galin mana ku riyoonin iney SEDEX SHEY NICIDOONAAN/dhibsan doonaan

    1. Calanka Bluegaa
    2. Geesiga Askariga
    3. Shillinka Soomaaligaa.

    Today lagaaga sheekeyni maah.

    – siduu nooga sheejeyay ninkii heystey Farshaxankii Somalia Republic.

    ” Amiin Caamir ayaa soo sawirey
    Rati Raran oo CARUURU SAARANTAHEY
    oo NINKII WADEY MIDI DHUUNTA KALA DHACAHAYO.

    Siyaad Barre ayaa arkey maruu booqanhayey Museum kii Muqdish, ul uu watey ayuu intuu ku dhuftey ayuu dhahey
    (Oo maxaa loola jeeda Midkaan)

    Adeerkey C/qaadir Xaaji Masalle AUN oo la socdey ayaa horey u jiidey oo dhah kaaley kana arag ( malaha hoosna ka dhahey adigaa loola jeedaa Qabdho Afweyne kudishaye)

  2. Mahad dirir says:

    Ina masalle haduu aderkaa ahaa afweyne na adeerkaa bu ahaa wadankana idinkaa burburiyey

    Dabshidow ogow

  3. Baaruud says:

    Dabashid,

    Waa waddaniyad dhimatay oo halkeedii qabiil buuxshay, waqti badan bay u baahan tahay inay dib u soo kabato.




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...