R/wasaare Khayre oo Booqday Askar kusoo dhaawacmay Difaaca Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa Cisbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, iyaga oo argagaxisada ka difaacaya dhiiga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo maamulka Isbitaallada xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed dhaawacyada, ayaa halyaayada qaranka ee dhaawacyada qaba u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan askartii shahiidayna uu Allah Shahiidnimadooda ka aqbalo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka.

Geesiyaasha dhaawacyadu kusoo gaareen badbaadinta qarannimada, nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada cawadga looga xoreynayo qaybaha ay dalka uga suganyihiin

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Garqaad says:

    https://www.caasimada.net/df-somaliya-oo-madaxda-jubaland-kala-noqotay-passport-ka-diblomaasiga/

    Kkkķkkk.

    Hadii madaxda jubaland passaporadii diblu maasi lagala noqday. Maxaa kuwa pudlana loogala noqon waayay masa kuwaas laguma dhoco?

    Ninkii iga aragti bedelan ma dhoofi karo ayaa soo socoto.

    Weligeey ma arkin kuwa ka talo xun.

    4 sano oo dib loo laabtay iga dheh.

  2. xaange says:

    Maalinn hore warbixin Pentagon soo qodhay waxay ku sheegeen in maleeshiyada ku magacaaban ciidanka qaranka ay shabaab u yihiin hilib bisil.
    Xaqiiqda qoraalkaas Shalay dagaalkii dhacay sida cagta loo mariyey maleeshiyada ciidanka qaranka ku magacaaban ayaad ka garanaysaan.
    Waxaanan saaka arkayey gawaadhi badan oo ay dagaalkaas ku qabsadeen shabaabku oo ay soo bandhigeen.Dhimashada iyo dhaawac badan ayaa koley halkaa ka dhashay lagana qariyey bulshada soomaaliyeed iyo caruurtaa dadkii dhalay.
    Dhaawacan inta igu sawir loo soo bandhigayo bulshada xaqiiqda dagaalkaas ha loo sheego

  3. Wiil hiraab says:

    Igu sawir.

  4. Ahmed Somali says:

    sac.
    BAL YAA Aqrina qoraalo Somalidiid Qabiiliiste; Garqaad, Xaange iyo Wiil Hiraab WAXAABA ugu roon Garqaad markuu fiyoowyahay. ≈©≈Garqaad MASABIDAAD badane, haddaad rabto inaan lagu naqdiyin MINANKIINA ku ekow. WBT

  5. Mr BaHaL says:

    Aaragtida iyo Anarchy-yada isku mid maaha.
    Somalida xagay ku arkeen waxa la yidhaa aragtida?
    Axmed Madoobe waa Sbaaro loo dhigtay qaranka somaliyeed.

    Dalmida

  6. NuurkaNederland says:

    WAA SAX LKN,WAXAA KASII FIICNAYD INUU LABA LABA BOQOL DOLAR U LAABO!!!.SI AY DHIIRIGALIN UGU NOQOTO.WHY?POLITICAL-kaba $MLYNS BAY KU BIXIYAANE.




Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Turkiga Saamaynta Soomaalida ee Cudurka iyo Isbedelka Caasimadii Ankara ku yimid
- Apr 4, 2020
Ankara  ( Kalshaale ) Dalka Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saamaynta ku ...
Daawo : Madaxwaynaha Puntland oo Taliyeyaal Bedalay , Kadib Qaraxii magaalada Garoowe
- Apr 4, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  isbedel ku sameeyay ...
Ogaysiis+Raali-gelin: Akhristayaasha Sharafta leh ee Warbaahinta Kalshaale
- Apr 4, 2020
Laascaanood ( Kalshaale ) Ugu horayn Nabadgelyadda Naxariista Eebe iyo Barakooyinkiisu ha ...
SAWIRRO : Madaxwaynaha Galmudug oo Maanta Qaaday Tallaabo Cajiib ah
- Apr 4, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar ...
Hargeisa : Maxaa loo Joojin waayey Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airline ? [Daawo]
- Apr 4, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Mudooyinkii dambe waxaa Dalalka Caalamka iyo Deegaanada Soomaalida ...