Mid kamid ah Raggii diley Caasha Ilyaas oo Heshiis Mag ah lagu Sii daayey [Warbixin]

Boosaso ( Kalshaale ) Heshiis lagu sii daynayo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ahaa saddexdii nin ee kufsaday oo dilay Caa’isho ayaa waxaa wada gaadhay Qoyska xukumanaha iyo qoyska Marxuumada Caa’isho Ilyaas.

Heshiiskan ayaa dhigaya in mag 75 halaad ah la siiyo qoyskii ay ka dhalatay Marxuumada Caa’isho Ilyaas. Magta la bixinayo ayaa neefkii geela ahaa waxaa lagu qiimeeyay $500, iyadoo qoyska gacanta laga saaray lacagta 50 Halaad.

Waxaa kale oo labada qoys isla garteen in muddo Saddex bilood ah lagu bixiyo qaybta ka hadhsan magta.

Heshiiska magta ah ee Labada qoys ay wada gaareen ayaa wararku sheegayaan in loo gudbiyay laamaha garsoorka Puntland, si loo sii daayo xukumane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige oo lagu helay inay kufsadeen oo dileen Caa’isho Ilyaas oo ahayd gabar yar oo 12 jir ahayd ayaa toogasho lagu fuliyay 11kii bishan Febraayo magaaladda Bosaso.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 12)

  1. Land of Punt says:

    Gabar dhiigeeda oo nafta laga jaray, magteeda waxay ahayd 50 halaad.
    Laakiin weli ma dhicin inta labo wiil loo dilay hadana magteedii la bixiyo oo buuxda, gabadhaas Caaisho waxay la qiime noqotay 2 nin iyo nus…
    Gabar gob ka dhalatay… Don’t fuck with Puntland girls, haddii kale qoortaa ku go’an.🕌
    Labada reerba samir iyo imaan u rajayn.
    Cadaalad in la falay u arkaa.

  2. Land of Punt says:

    Mideeda kuwaan cuqdada qaba ee qora Kalshaale ma in wadnuhu istaago ka baqayaan hadday dhigaan kulanta Deni iyo Ismaciil Cumar Geele

  3. Dabshid says:

    Maalintii la diley Walaalkiis iyo Ninkii kale ayaan qiyaasey,

    Waa arin fiican

    @ LOP

    Hadduu hal qof dambiga geysto halka qof ayaa loo dilaa

    Hadey 10 wiil geystaana tobankaba waa loo dilaa.

    Ninkaa Wadkiisaan gelin, waalidka Caashana waa cafiyeen, ASAGA WAALIDKIISNA WAXEY KA JECLAADEEN/doorbideen walaalkiis oo ay dhaheen -kanna dila, kanna Mag naga qaata Calool xumana haku noolaado Habaar qabaha.

    Sikastaba
    Go’aan kudayasho mudan ayuu kusoo xirmey CASE CAASHO SOOMAALI.

    * ALLAA MAHADLEH

  4. Jabhad says:

    Waa arin wanagsan in xal laga gaaro ninki dhinaa

    Waana in laga fogado dhibatoyinka lo gaysto gabar

    Kata oo somaliyed

  5. Mr BaHaL says:

    Waar horta ragii kale ma la dilay,mise waa la dhoofiyay?

    Kolay Reer Bari sida loo aaminaa way adag tahay.

    waxan filayaa in ragaasi Turkiga joogaan.

    Dalmida

  6. Mr BaHaL says:

    Ragii la sheegay in la dilay,meel ay ku cadahay in iyagii la dilay lama hayo.

    From A – Z.

    Dalmida

  7. NuurkaNederland says:

    WAA SAX,IN ODAYGANA WAXOOGAY SAMIRSIINA LA SIIYO!!!,OO WALIBA TANI XITAA AMNIGA ODAYGA BAY WAXTAR ULEEDAHAY WAAYO?HADIIBA SEDEXDABA LA DILO WAXAA LAGA YAABAA IN ODAYGANA AANNO LOO DILO LKN,HADEER INAAN AANNO LOO DILIN BAY U DHOWDAHAY!!.

  8. Hayaan says:

    L/Puntland:

    Kalshaale cuqdad ma qabaane waa xor madax banaan ee adigu hadaadan rabin maxaa ku dhexdhigay boowe?

    Midda kale Mr Deni maxaa laga qoraa waa Horjooge Maxamud Saleebaan oo keliya cidkale iska dhaafe car Cali Saleebaan ja taageereen!!!??? Waa qadhaab tegay miyaa.

    Markii aan lahaa SNM ayaa Soomaalinimo Iyo dowladnimo uga dhow P/land sax baan ku hadlayey
    Waayo Maxamud Saleebaan haddii uu Dowladnimo Iyo sharafteeda rabo wuxuu qaderin lahaa madaxda dalka ee isagama daaq tageen meeshuu rabo.

  9. xaange says:

    Waan soo dhaweynayaa in odaaygu buugga naxariista u eegay oo labadaa walaalaha ah aan la wada dilin.

  10. Land of Punt says:

    Hayaan
    Adigu hayaan ayaa isaga jirtaa ilaa yomul qiyaame…allow meeshaan fariisanaba ”iga kac” na oran!
    Somaliland ma rabtid, Puntland ma rabtid, adinku wax samaysan weyde..Xamar xagee u marin, sow inaad garato maaha in tuuladaada nolol ka samaysato.
    😉
    Haddii war ku galo shacabka Puntland Leekase, Carabsaalax, Harti inta badan sida Deshiishe, Warsangeli, Geeseguule, Majeerteen..wax qaylo ah kama soo yeerto adiga iyo geeljir kale oo in jifo hoose lakala guro aqli u yaqaan..Yaab
    Maxaa ugu waalatay Maxamud Saleeban…
    Ma kula tahay in macne iigu fadhiyo ninka gobolka xukuma.
    Haddii danta shacabka ka shaqaynayo, who the f**k cares cidda yahay….Mar dhow pallet box lagu kala bixin…markaas maxaad oran.
    Reer hebel baa meel haysta…kkkkk aqli yaraa!
    Deni caruurtiisa korsadaa ma Maxamud Saleebaan buu deeqaa sow in ayaga shaqaystaan maaha.
    Reer hebel baa jago haysta aniga war i gala maba aha…waa dhahdaa nin reer hebel ah, taas oo macne ku fadhiyin…..dal iyo dad dega iyo nololshooda mustaqbalka ayaa macne ku fadhida.

  11. Land of Punt says:

    Hayaan
    kkkkk
    Maxamud Saleban baa saan ah, alla maxaa Maxamud Saleeban xayeysiin astaahilin loo sameeyey.
    Waxaan arkaayey, walaahi waa runtay, odayaal Cumar Maxamud oo leh, macal qurbajood Somali ah ayaa na caawiyey Dekedda Garacad laakiin xitaa Deni kiish shamiito xitaa jeebkiisa kuma darin, ma rabo dekedda Garacad Deni……..
    Waana beentood Deni waxba kama qabo in deked kalluun iyo Ganacsi puntland kusoo korodho.
    Somali buuq iyo aniga la i qadiyey kama dhamaato. … waa in dadka in ayaga shaqaystaan la baro oo dowladda keliya irsiqa ku jirin.
    Farmaajo walaashiis oo Youtube waa tuug Farmaajo leh ku arkay oo afka furatay..kollay lacag ugu ciil qabtay.
    Maxaan liqaa baa yaabtay.🙃

  12. Mo says:

    Nuurkanederland.

    Waamaxay aanada iyo waxaad ka hadlaysaa, malaha tubaakadaad isticimaashaa!! ma waxay kula tahay in caasha aabaheed magta u qaatay yaan aano qabiil laguu dilin? anigu shakhsi ahaan mag ma qaateen oo 3da ninba waan qisaasi lahaa, laakiin caasha aabaheed tallaabo wanaagsan oo muslinimo iyo gobonimo leh buu qaaday aqbalayna in 2da nin ee walaalaha ah midkood la badbaadiyo.

    Laakiin ninkaa la badbaadiyey inta noloshiisa ka harsan wuxuu ku dhamaysan silic iyo saxariir, waxaa ku shaabadaysan kufsigii iyo dilkii fooshaxumaa ee caasha ilyaas, wajigiisa waa la baahiyey oo soomaali oo dhan baa aragtay.

    Cadaabkii allana waa sugayaa.

    WBT




Akhriso : Dalalka Afrika ee aan Weli Laga soo sheegin Cudurka Dilaaga ah ee Karoonaha !
- Mar 31, 2020
Laascaanod ( Kalshaale ) Lix dal oo ka mid ah 54-ka dal ee ...
Jarmalka : Wasiir isku dilay Cudurka Dilaaga ah ee Karoona ! [Warbixin]
- Mar 31, 2020
Hargeisa ( Kalshaale ) Wasiirka Maaliyada ismaamul goboleedka Hesse ee dalka Jarmalka ...
Kismaayo: Dagaal Beeleed aan la dhaafin Dumarka, Caruurta iyo Weeyalka oo ka socda Jubbada Hoose
- Mar 31, 2020
Kismaayo ( Kalshaale ) Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaallo u dhexeeyea laba beeleed ...
Boosaaso oo Qaad Fara badan Lagu Gubay iyo Siday wax u dhaceen
- Mar 31, 2020
Boosaaso ( Kalshaale ) Maamulka Puntland ee gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso xalay ku gubay ...
Wasaaradda Arimaha dibadda Somalia oo 29-Sanno kadib Yeelatay Xoghaye Rasmi ah
- Mar 31, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa yeelatay xoghayaha ...