Wararkii ugu dambeeyay Howlgal dad lagu xidhay, Kadib Qaraxii Kismaayo ee Xalay !

Kismaayo ( Kalshaale ) Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in saaka Ciidamada Maamulka Jubbaland ay sameeyeen howlgalo ay kusoo qabteen dad ay la xidhiidhinayaan Al-Shabaab.

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo waxya  sheegeen in Ciidamada ammaanka ay goob isugu geeyeen Dad u badan dhalinyaro oo ay kala soo baxeen xaafado kamid ah Xarunta Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo.

Ciidamada ayaa dhalinyarada geeyay mid kamid ah Xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo si ay baadhis ugu sameeyaan, waxaana ay sii daayeen qaar kamid ah dadkii lagu qabtay howlgalka.

Baadhitaanada iyo Howlgalka Ciidamada Ammaanka  Jubbaland ayaa daba-socda Qarax xalay ka dhacay Goob ganacsi oo ku taalla Isgoyska Golol oo u dhaw aargada Magaalada Kismaayo.

Qaraxaas waxaa ku dhintay labo ruux, halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo toban kale oo la geeyay isbitaalka Magaalada Kismaayo oo xiligaan looga daweynayo dhaawacyadii soo gaadhay .

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!