Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo iyo Digniin Cusub oo loo diray Xidig iyo Seeraar [Warbixin]

Kismaayo ( Kalshaale ) Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid degan, kaddib markii shalay dagaal ku dhex maray Ciidamada amniga Jubbaland iyo ciidan taabacsan C/naasir Seeraar oo ka mid ahaa Golaha Is bedel doonka Jubbaland, loona doortay Madaxweyne Jubbaland.

Ammaanka magaalada ayaa xalay si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada ay waddooyinka qaar ku hubinayeen gaadiidka, iyadoo xaalada magaalada ay aheyd mid caadi ah oo isu socodka iyo ganacsiga aanay wax saameyn ku yeelan isku dhacii shalay.

Iska hor imaadkii shalay ayaa ka dambeeyay markii ciidan taabacsan C/naasir seeraar ay isku dayeen inay ka gudbaan waddo ay xidheen Ciidamada amniga oo ku guda jiray sugida ammaanka magaalada.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay dhabarka ka jebiyeen qorshe lagu khal-khal gelinayay amniga magaalada Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa digniin u diray Cabdinaasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig, isagoo sheegay inuu dulqaadka ka dhamaaday, wixii hadda ka dambeeya aanay waxba sugi doonin, isla markaana muddo lix bilood ay u adkeysanayeen, waxaa uu xusay in aanay aqbali doonin qas iyo fowdo laga abuuro magaalada.

Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar oo labadaba ka mid ah Golaha is bedel doonka Jubbaland ayaa labadooda waxay si kala gaar gaar ah taageerayaashooda ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii ay qaadaceen doorashadii Axmed Madoobe.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Ciidamadii ugu badnaa oo Turkiga looga dilay Suuriya iyo Xaalada oo Faraha ka baxday [Muuqaal]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadii ugu badnaa ayaa Dawladda Turkiga looga dilay Gudaha dalka ...
War deg deg ah: Dagaal Cusub oo ka Qarxay Dhuusamareeb iyo Wararkii u dambeeyay
- Feb 28, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo ...
MD. Qoor-Qoor oo ka ka hadlay Dagaal Xalay ka dhacay Dhuusamareeb
- Feb 28, 2020
Dhuusamareeb  ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda ...
Ahlusunnah oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb [Akhriso]
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha ...
Warbixin : Dawladda Soomaaliya oo Muddo 30-Sanno kadib ah Gaadhay Guul Taariikhi ah
- Feb 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddiga fullinta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo lagu ...

JIDKA GUUSHA - SH. DIRIR

Go to Kalshaale Online!